Roobkii Gu’ga oo ka Curtay Magaaladda Hargeysa iyo Nawaaxigeeda

0
569

Hargeysa (Dawan) Raxmaadkii ILLAAHEY ayaa maanta abaaro 12:00 duhurnimo ka curtay magaalada Hargeysa.

Roobkani oo muddo kooban da’ayay ayaa bulshaweynta magaalada Hargeysi ay aad ugu diirsaddeen.

Maalmihii u danbeeyay waxaa jiray kuleyl, iyo biyo yaraan ka jiray qaar ka mida xaafaddaha magaalada Hargeysa.

Waana maalintii koowaad ee Roobka Gu’gu uu ka da’ay magaalada Hargeysa iyo xawaaxigeeda.

Saaka uunbay ahayd markii loo dareeray Salaad Roob-doon, ah, oo dadku ILLAAHEY ku baryayeen in uu raxmaadkiisa u shubo.

Leave a Reply