Maalqabeen u dhashay Afrika oo iibsanaya shirkadda Twitter.

0
315

Hargeysa (Dawan) Guddida maamula shirkadda Twitter ayaa oggolaaday in bilyaneer Elon Musk uu kula wareego lacag dhan 44 bilyan oo dollar.

Musk oo ku dhashay magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika ayaa 14-kii bishan soo bandhigay qorshaha uu kula wareegayo shirkaddaas ka shaqeysa xidhiidhka bulshada, waxaana uu sheegay inay leedahay “awood ballaadhan” oo uu dunida uga faa’iideyn doono.

Waxa uu ku baaqay isbedallo ballaadhan oo ay kamid yihiin in meesha laga saaro xayiraadda macluumaadka iyo xidhidda cinwaannada been abuurka ah.

Twitter ayaa markii hore diidday qorshaha Musk, balse waxa ay shirkaddu hadda weydiisan doontaa saamileydeeda inay ansixiyaan heshiiska iibka.

Elon Musk ayaa ah ninka ugu taajirsan caalamka, sida ay shaacisay jariiradda Forbes, waxaana hantidiisa lagu qiyaasay 273.6 bilyan oo dollar.

Leave a Reply