Maamulka gobolka Sanaag oo raashin Mucaawino ah u kala diray deegaanada ku teedsan  xeebaha gobolkaasi

0
523

Ceerigaabo (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Sanaag, mudane Axmed Cabdi Muuse, iyo duqa degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, ayaa kala diray raashin loogu talo galay ee ku nool buuraleyda iyo xeebaha gobolka Sanaag, oo aan hore wax taakulayn ah loo gaadhsiin.

Deeqdan raashinka ah ayaa gaadhaysa kun iyo boqol iyo todobaatanka qoys, isuguna jira Bariis, Sonkor, Daqiiq iyo Saliid.

Duqa degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, ayaa sheegay in dhulka xeebaha iyo buuraleyda ee aan hore taakuleyntu u gaadhin, manta ay u u diri doonaan mucaawino raashin ah.

Guddoomiye Axmed Cabdi Muuse isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Waxa halkan manta taagan saddex iyo toban gaadhi oo raran, waxa ay sidan kun iyo boqol iyo todobaatanka qoys.

Qosy walbana waxa la siinaya, shub bariisa, shub sonkora iyo mid daqiiqa, caagad saliida, waana bulshada xeebaha ku nool, haddii ay meelaha qaar gaadhi weydo waanu ka cudur daaraynaa, ILLAAHEY uunba baahideena dabooli karra.

Ma garanayo xilli taakulayn la gaadhsiiyo degaanada xeebaha gobolka Sanaag ku teedsan, waxaanu is leenahayna waa dhulka baahida ugu badan ka jirto,”

Raashinkan ayay qaybintiisa iska leedahay hay’adda kaydka raashinka iyo ka hortaga aafooyinka Somaliland.

Leave a Reply