Ceel-Afweyn: Kooxo ku kala Calaf qaaday Tartan Ciyaareed

0
408

 

Ceel-Afweyn (Dawan) Garoonka Xandule ee degmada Ceel-Afweyn ayaa si rasmiya loogu soo gaba’gabeeyay tartan ciyaareed dhinaca kubbada cagta ah, kaas oo socday bishi barakaysneyd ee Ramadaan ee dhammaatay.

Tartankan waxa ku hirdamayay sagaal kooxood oo heerka koobaad ee degmada ah, waxaana soo qaban qaabiyay tartankani maamulka degmada Ceel-Afweyn.

Xidhitaanka tartank ciyaareedkaasina waxa hadal ka soo jeediyay maamulka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee degmada Ceel-Afweyn, Maxamed Saalax Cay, isaga oo boggaadiyay dhallinyarada ka qayb gashay tartankaasi, sida ay u dhawreen nidaamka anshaxa iyo ciyaaraha, ka wasaarad ahaana ay si weyn u garab taagan yihiin dhallinyarada dalka.

Xubno ku hadlayay afka degmada Ceel-Afweyn iyo marti sharaf kale oo iyaguna goobtaasi ka hadlay ayaa si weyn u ammaanay qaybaha kala duwan ee tartankani ka qayb galay.

Duqa degmada Ceel-Afweyn Maxamed Aadan Digaale iyo ku xigeenkiisa Maxamed Jaamac Liibaan (Hindi), ayaa si iskumida u sheegay in ay ku faraxsan yihiin in dhallinyaradu tartankani isku bartaan, kuna walaaloobaan, taasi oo qayb weyn ka qaadanaysa horumarka dhallinyarada Ceel-Afweyn.

Tartankani waxa ku guulaysatay kooxdii ku ciyaaraysay magaca degmada Dararweyne, iyada oo halkaasi lagu guddoonsiiyay koobkii ay heleen.

 

Leave a Reply