Qore. Saleban Kalshaale
Hargeysa(Dawan):-Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku wargelisay bulshada in fursad la siiyey dadka ay ka dhaceen Liisamada Ganacsigu ay ku cusboonaysiisan karaan ganaax la’aan iyo muddo-dhaaf la’aan kharashka wakhtiga uu dhacsanaa, iyadoo qofkii laba sannadood lagu leeyahay lacagta laga qaadi doono sanadkan u dambeeyey oo kaliya.
Wargelinta wasaaradda oo markii labaad soo saareen todobaadyo gudahood, ayaa ciddii ka faa’idaysan wayda ama haddii ay ka dhego-adaygaan ganacsatadu waxa lagu qaadi doonaa ganaax, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland Xamse Xaamud Guuleed oo warbaahinta Dawladda la hadlay Jimcihii shalay.
“Fursadbaa jirta wasaaraddu bixisay oo ay iclaamisay bishii April badhtamaheedii, taasoo ah in ciddii Liisanka ganacsigu ka dhacay dib u cusboonaysiistaan, iyadoo laga dhaafayo wixii ganaax iyo muddo dhaaf ahaa. Tusaale ahaan qofkii uu laba sannadood ka dhacsanaa waxa laga qaadayaa sanadkan u dambeeyey, kii afar sannadood uu ka dhacsan yahay isagana sanadkii u dambeeyey ayaa laga qaadayaa, waana fursad weyn”ayuu yidhi.
Agaasime Xaamud wuxuu intaasi ku daray qorshahani inuu socon doono muddo saddex bilood ah ka soo bilaabantay bishii hore, hase yeeshee wuxuu muujiyey dareen ah in aanay ilaa iminka cid ka faa’idaysatay jirin, balse marka ay dhamaato muddada loogu talogalay ay qaadi doonaan talaabooyin lagula xisaabtamayo kuwa cago-jiiday “muddo saddex bilood ah ayey fursadani socon, wixii muddadaas ka dambeeya wasaaraddu way ganaaxaysaa cid kasta oo liisankeedu dhacsanyahay, waliba iyadoo ganaaxaas loo eegi doono muddada uu dhacsanaa liisanku, markaa dadku haka faa’idaysteen fursadan oo ay ka heli karaan dhamaan xafiisyada wasaaradda ee gobolada iyo degmooyinka”ayuu raaciyey.