Xukuumadda oo ka Hadashay Xuska maalinta Qarannimada, Nabadgelyadda iyo Suuqa Waaheen

0
303

 

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay xuska maalinta Qaran ee 18-ka May, iyo adkaynta nabadgelyadda iyo dib u dhiska suuqii gubtay ee Waaheen.

 

Xukuumadda ayaa bulshaweynta Somaliland guddo iyo dibedba ugu baaqday u diyaar garowga xuska maalinta Qaran ee 18-ka May, oo maalmo koobani inaga xigaan.

 

Sidoo kale waxa ay ciidamada Qalabka sida ku adkaysay isla markaana ku adkeeyay in ay feejignaan dheeriya muujiyaan maadamada lagu jiro diyaar garowga xuska maalinta Qarannimada.

 

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida gurmadka Abaarta mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa golaha uga waramay roobkii gu’ga ee dalka ka curtay, taasi oo uu xusay in guud ahaan dalka ay ka da’een roobab lagu qabowsaday, xaaladdii adkayd ee abaarta dalka ka jirtayna wax ka taray, waxaanu sheegay in guddida gurmadka abaartu ay sii wadi-doonan howlihii gurmadka abaarta ee ay hore u waddeen guddidu, taasi oo ay wali jirto baahida raashinka iyo nafaqaynta xoolihii abaartu saamaysay.

 

Sidoo kale wasiirka wasaaradda diinta iyo Aw-qaafta ahna guddoomiyaha guddida gurmadka iyo taakulaynta Suuqa Waaheen, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) ayaa golaha xog-waran ka siiyey hawlaha Gurmadka Suuqa Waaheen ee ay ilaa hadda guddidu qabatay oo ay ka mid yihiin diiwaangalinta khasaaraha uu sababay masiibadii dabka ee suuqa waaheen, diiwaangalinta ganacsatadii suuq ku ganacsan jirtay, dhaqaalaha loogu talo-galay suuqa waaheen ee guddiyada soo gaadhay, isagoo sheegay in dhaqaalahaasi ay u qorsheeyeen in la siiyo dadkii dhibtu ka soo gaadhay masiibadii dabka iyo dib-u-dhismka suuqa waaheen, waxauu xusay in guddidu qorshaynayso sidii loo dhisi lahaa suuq casriya oo la jaan-qaadaya suuqyada caalamka, hawshaasina la kaashan-doonan Injineerada Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Dhulka oo ay wehelinayaan Ingineerada Dawladda Hoose ee Hargaysa iyo cid kasta oo hawshaasi khibrad iyo aqoonba u leh.

 

Waxaana sidan lagu sheegay shirkii golaha wasiiradda Somaliland, 91-aad oo uu shir-guddoominayay

madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici.

 

.

Leave a Reply