Roobab dabeylo wata oo burburiyay Guryo iyo xarun Caafimaad oo ku yaalla deegaanka Oog ee gobolka Saraar.

0
406

Oog (Dawan) Roobab mahiigan ah oo wata dabeylo oo ka da’ay deegaanka Oog ee gobolka Saraar, ayaa sameyn u gaystay goobo caafimaad iyo guryo ku yaalay deegaanka, kuwaasoo ay burburisay duufaanta.

Qoysaskii degana guryaha ay burburisay dabaysha ayaa degan guryo ka sameysan baco iyo qoryo, halka sidoo kale ay burburtay guud ahaanba xaruntii hooyada iyo dhallaanka degaanka taasi oo dabooli jirtay baahida degaanka Oog iyo degaanada hoos yimaada.

Qaar ka mida dhallinyarada degaanka Oog, ayaa ugu baaqay in laga qayb qaato dhismaha xarunta caafimaad iyo in la kaalmeeyo dadka ku guryo belay duufaanta.

Waxaanay yidhaahdeen.“Roobkii degaanka helay oo dabaylo iyo duufaano watay ayaa dumiyay shan ka mida xarumihii dawladda iyo guryaha 80 qoys oo danyara, kana mida askarta xaasaskoodii iyo waliba dad badan oo danyara.

Waxa aanu halkan u nimid maadama oo wakhti ay ka soo wareegtay, markay dhacday masiibadu walina aan waxba laga qaban  in aanu xusuusino xukuumaddii iyo cidda ay khuseyso in xarumaha ugu mihiimsan ee manta dayacani ay yihiin xaruntii hooyada iyo dhallanka.

Waxaan halkan baaq uga diraya,  dawladda hoose ee degmada Oog wax badan ayay noo qabatay muddadii ay joogtay, kabkana haloo soo horumariyo si ay wax ka badan waxa ay bulshadu ka sugaysay ay u qabato.

Bulshadii Oog waa bacadyaal ee haloo soo gurmada walaalayaal, sidoo kale hay’adda aafooyinka waxa aanu ugu baaqayna inay dadka danyarta kaalmo la soo gaadhaan”

Leave a Reply