Madaxweynaha Somaliland oo balanqaad ka sameeyay qabashada doorashooyinka

0
261

Hargeysa (Dawan)  – Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, oo qudbad sannadeedkii dastuuriga ahaa u jeediyay baarlamaanka, ayaa isaga oo ka jawaabaya shakiga mucaaradku ka qabaan in ay muda kordhin timaado, waxa uu  balan qaaday in uu doorashooyinka wakhtigooda ku qabanayo.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Somaliland lagu ma jeerto doorashooyinka, isla markaana loo baahan yahay in doorashooyinka lagu qabto wakhtigii loo asteeyay, iyo in xisbiyadu aanay muddo dhaafin.

Waxaanu yidhi.”Somaliland waxaa lagu majeertaa doorashooyin xor iyo xalaal ah, taasina waxay inooga baahantahay in doorashooyinku ku qabsoomaan wakhtigii loo asteeyay, in xisbiyada qaranka oo ah hilinka muwaadiniintu u marayaan xaqiijinta hankooda siyaasadeed ay noqdaan kuwo ku dhisan sharci, oo aan muddo dhaafin”

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in talo laga yeesho, sidii loo maarayn lahaa doorashada madaxtooyada iyo doorashada urrurada siyaasada oo labadooduba ku astaysan in ay qabsoomaan dhamaadka sannadkan 2022.

Waxaanu yidhi.”Sannadkan waxaa inagu soo fool leh laba arrimood oo isasa saaran, 10 kii sanno ee xisbiyada oo dhamaanaya December iyo doorashadii madaxtooyada oo ku beegan November, waxa qaran ahaan inoo taala labada sidaynu u maarayn lahayn, si wada jir ah”

Madaxweynaha ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan, uu xilka qabashada doorashooyinku isaga saaranyahay, waxaanu balan qaaday in ay ka go’an tahay in uu wakhtigooda ku qabto dhamaan doorashooyinka soo socda.

Waxaanu yidhi.”Xukuumad ahaan xilka koowaad anaga ayuu na saaranyahay, anagana waxaa naga go’aan ah si kastaba awoodayada intay gaadhayso labada doorasho sida ay yihiin in ay inoogu hirgalaan, wayo waxaa ku jirta aaminaada dadka in ninka kursiga joogaa aanu wax dib usii jiidin”

Leave a Reply