Xukuumadda Somaliland oo Hirgelinaysa Difaacista Madaniga

0
269

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland, ayaa wada qorshe ay ku hirgalinayso difaacista madaniga ah, oo ay sheegtay in ay u dedejinayso heer degmo ilaa tuulo.

Waxa ay hoosta ka xariiqday in difaacista madaniga ahi, ay tahay in bulshada lagu tababaro bad’baadada degaankooda iyo dalkooda si ay uga feejignaan lahaayeen, cadow badheedh ama dhuumasho uga dhex abuuri kara fidno.

Waxaana sidan lagu sheegay khudbadii maanta ee madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, u jeediyay labada gole baarlamaan ee guurtida iyo wakiillada.

Waxaana lagu yidhi.“Xukuumaddu waxa ay hir-gelinaysaa in difaaca Madaniga ah loo daadejiyo ilaa heer Degmo iyo Tuulo.

Difaaca Madaniga ahi waa tababar dadka lagu siinayo bad-baadada deegaankooda iyo dadkooda iyo siday uga feejignaan lahaayeen cadow badheedh ama dhuumasho uga dhex abuuri kara fidno.”Ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland,”

 

Leave a Reply