Inta Dayaxu soo Baxayo, Xiddiguhu waa Lama-huraan

0
516

Inta Guddoomiye Xirsi garan waayey!

Waxa Qoray Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil (Musaabaqo)

Hargeysa (Dawan) Guddoomiye Xirsi Cali waxa uu 5tii Bishan May, 2022 qoray maqaal ka turjumaya aragtidiisa shakhsiga ah – maaha arragtida Xisbiga, sidaas awgeed faallo ayaa ka furan! Waxa uu inna weydiiyey su’aal odhanaysa: Gole aan la dooran, mudane aan waxbaran iyo xukuumad wakhtigiidu dhammaanayaa ma inna gaadhsiinayaan waddadii ictiraafka ama dawlad casri ah? Waxa uu maqaalkani isku deyi doonaa in uu jawaab ka bixiyo nuxurka maqaalka dheer ee Guddoomiyaha.

Waa midda hore e, gole la doortay, mudane wax bartay iyo xukuumad aanu wakhtigeedu dhammaanin, gaar ahaantood iyo wadar ahaantood toona, kama mid aha shuruudda dawladaha lagu aqoonsado: ma jiro xidhiidh ka dhaxeeya arrimaha uu sheegay iyo aqoonsiga. Qofka dhuuxa maqaalka Guddoomiyuhu waxa uu is weydiin karaa: ma laga yaabaa in ay Guddoomiyaha ka dahsoon yihiin shuruudaha curfi ahaan dawladaha lagu aqoonsado, mise isaga oo og shuruudaha aqoonsiga ayuu indhaha ka laabtay si uu xurgufo maskaxdiisa ku taagan ugu maaro helo?

Somaliland way buuxisay dhammaan shuruudaha dawladuhu isku aqoonsadaan, haddii ay tahay dad aan guurguurin oo deegaan ah, xuduud qeexan, dawlad leh awood fulineed, iyo awood uu dalkaasi dalal kale heshiis kula geli karo. Sida ay xeel-dheerayaal caalami ah iyo kuwa reer Somaliland ahiba hore ugu nuuxnuuxsadeen, aqoonsiga Somaliland ka maqani waa qodax ku taagan hannaanka iyo xeerka caalamiga ah. Si kale haddii loo dhigo, aqoonsiga Somaliland ka maqani maaha mid hoggaamiyayaasheeda lagu canaanan karo, sababaha badankooduna waa kuwo la xidhiidha siyaasadaha kakan ee heer gobol, mid qaaradeed iyo mid caalami intaba.

Hortii jiraba wuu ku dooday dimuqraadiyadda iyo maamul wanaagga oo aynu kor u qaadnaa ay inoo horseedi karaan aqoonsi aynu aduunka intiisa kale ka helno. Dastuur ayaynu qorannay oo aynu afti u qaadnay, doorashooyin inta itaalkood nadiif ah oo aanay qabsan qaar badan oo aynu aqoonsi ka doonaynaa, ayaynu qabannay. Taagta ay doonaan ha yeeshaane, way inoo dhisan yihiin hay’adihii ilaalin lahaa xuquuqaha asaasiga ah ee muwaadiniintu, dastuurkuna si cad ayuu u qeexay, balse ilaa hadda ma hayno aqoonsi. Waa maxay caqabadaha innagu gudbani?

Isaga oo marka hore caadka ka qaaday duruufaha heer gobol iyo kuwa qaaradeed ee ku gedaaman aqoonsi ay Somaliland ka hesho dalalka kale – oo ay ka mid tahay hawsha adag ee ku jirta dib-u-xarriiqidda xududuudaha gumeystihii ka tegay iyo kacdoonno kuwa aqoonsigu innagaga xidhan yahay ka baqaan in ay ka dhacaan meelo badan oo Qaaradda ka mid ah – waxa bishii May ee sannadkii hore ee 2021 toddobaadlaha The Economist ku dooday in Somaliland “u qalanto dhegaysi”. Waxa uu iftiimiyey in aanay Somaliland “doonayn in ay dib u xarriiqdo xuduud cusub, balse ay dib ugu noqonayso mid hore oo jiray”. Waxa kale oo The Economist tilmaamay in “badi dadka reer Somaliland [gaar ahaan 30 jir iyo wixii ka yar, oo ah aqlabiyadda bulshada] aanay garanayn wax aan ahayn in ay iskood isu xukumaan isla markaana aanay weligood aqbalayn in ay dib ula midoobaan qoladii xukumi jirtay ee dhiigga iyo dhagartu hadheeyeen”.

Waxa kale oo ka muuqda maqaalka Guddoomiyaha dhaadid la’aan ka haysata wixii ay Somaliland qabsatay soddonkaa sanno ee tegay. Waxa uu qoray “Somaliland waxa ay wax badan qabsan kartaa iyada oo aan helin aqoonsi caalami ah.” Malamalaynta waxa Somaliland qabsan karto waxa ka horraysa qirista waxa ay dhab ahaan qabsatay. Soddonkaa sanno ee Somaliland jirtay ee ay mudanteedu ku hawlanayd dhismaha qaran dhaama kii dumay, waxa dalka gaalaa-baxayey cilmibaadhayaal u kuur gelayey in ay fahmaan aduunkana u soo bandhigaan waxa badan ee Somaliland qabsatay.

Sida ay buug dhawaan soo baxay ku qortay Severine Autesserre oo macallimad ka ah Jaamacadda Columbia (The Frontlines of Peace), iyada oo ay gadh-wadeen ka yihiin odayaashu, Somaliland waxa ay qabsatay 39 shir nabadeed oo gacan la sheegi karo cid kale ka siin. Tusaale fiicanna waxa ah Shirkii Boorama, oo ahaa shirkii ugu horreeyay taariikhda Soomaalida ee ay odayaal guurti ahi dhisaan dawlad casri ah. Waxa kale oo iyana tusaale fiican ah doorashadii ugu danbeysay oo kharashka guud ee ku baxay ahaa (marka lagu daro diiwaan gelintii iyo kaadh qaybintii) $20,000,000, iyada oo $16,200,000 laga bixiyey Miisaaniyadda Qaranka. Iyada oo Somaliland aan helin taageero dibadeed oo mug leh, haddana haddii la eego korodhka miisaaniyadda ee sannad walba kor u socda, waxa qofka indho dhexdhexaad ah ku eegaa ku qanci karaa in dhaqaalaha Somaliland samaynayo korriin wanaagsan oo mar walba keenaya in kor loo qaado adeegyada bulshada.

In kasta oo uu ku canaantay madaxweynayaashii kale danbeeyay ee Somaliland ictiraafka ilaa hadda innaga maqan, waxa uu u muuqdaa Xirsi Cali nin ismoodsiinaya midhaha ka dhashay dedaalladii taxanaha ahaa ee madaxweynayaashii Somaliland midba heer gaadhsiinayey. Dalal dano dhaqaale iyo kuwa siyaasadeedba innaga dhaxeeyaan ayaa Hargeysa ku leh xafiisyo rasmi ah: hadday noqdaan Taywaan, Ingiriiska, Imaaraadka Carabta, Itoobiya, Jabuuti, iyo Kenya. Inta dayaxu soo baxayo, in aynu xiddigaha ku sii soconnaa waa wadiiqada keli ah ee inoo furan.

Waxa kale oo ka muuqata qormada Guddoomiye Xirsi in uu aaminsan yahay in go’aankii beelaha Somaliland ku gaadheen Burco May 1991kii uu ka dhashay ku dhawaaqistii Xamar lagaga dhawaaqay dawlad aan laga talo gelin. Qayb ahaan waa dhab oo dadka reer Somaliland way ka dhiidhiyeen go’aankaa gole-ka-fuulka ahaa. Balse maaha sababta keli ah ama sababta ugu weyn ee horseedday go’aankii masiiriga ahaa ee Burco lagu gaadhay. Guddoomiye Xirsi waxa uu u baahan yahay in uu xasuusnaado in 1961kii uu dhicisoobay afgenbi saraakiil reer Somaliland ahaa (oo weli qaarkood nool yihiin) ku doonayeen in ay dib ugu soo celiyaan madaxbannaanidii Somaliland. Waxa iyana isla sannadkaa 1961kii dadka reer Somaliland aqlabiyad ku diideen aftidii loo qaaday dastuurkii Jamhuuriyaddii Soomaalida. Taliskii Maxamed Siyaad Barrena waxa la riday iyada oo dadka reer Somaliland gaadheen heer ay marti ku noqdaan dhulkii Ilaahay ku uumay. Caddaalad-darrooyin fara badan oo is-biirsaday ayaa keenay in dib loola soo noqdo xorriyaddii aynu baylihinnay 62 sanno ka hor.

Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayuu Guddoomiye Xirsi u muuqdaa in uu ku haftay. Ma xuma wada hadalku, Somaliland na way ku caana maashay in ay arrin kasta oo jira wada hadal iyo wada xaajood lagu dhammeeyo. Marka laga eego dhanka Somaliland, wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay ku sii socon karaan oo keli ah haddii ay ku dhammaanayaan kala-gurasho. Wixii intaa ka sokeeyaa waa wakhti-lumis. Ma cadda hadafka iyo danta guud ee uu xaqiijin lahaa Guddoomiyuhu ee uga dhex muuqata sii-socodka wada-hadalka labada dal.

Sida The Economist qudhiisu soo bandhigayo, xaq-u-dirir reer Somaliland ahina qabaan, way ku fiicnaan lahayd in ay Xamar inna fasaxdo. Haddii taa dhicitaankeedu mustaxiil yahayna, waxa jira waddooyin kale oo Somaliland ku heli karto aqoonsi caalami ah. Guddoomiye Xirsi isku heli maayo in uu noqdo muxallil lafagura arrimaha siyaasadda – haba la baydh-baydho lafa-gurkuye – iyo hoggaamiye siyaasi ah oo xambaari kara hadaf ummadeed.

Waxa kale oo iyana muuqata in Guddoomiye Xirsi aanu aragti toosan ka haysan waxa ay tahay dawlad casri ahi. Haddii aynu si kooban u taabanno, dawlad casri ahi waa mid ka kooban golayaal leh awoodo kala madax bannaan, golayaashaas oo is-dheelli tiraya, isna ilaalinaya oo midba ka kale korjooge u yahay. Waxa kale oo dawlad casri ah lagu gartaa ku dhaqanka sharciga. Ma jirto dawlad ka casrisan ta maanta inoo dhisan oo raadco loogu jiro helitaankeedu, laakiin mar walba waxa inna hor yaalla qabyooyin u baahan dhammaystir. Dhawr cutub oo uu ka soo boodey ayaa ku noqosho uga baahan Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Musaabaqo

10 May, 2022

Hargeysa

Leave a Reply