Wefti ka socda Komishanka xaquuqul insaanka Qaranka oo kormeeray Xabsiga iyo Saldhigyada magaalada Ceerigaabo

0
296

Ceerigaabo (Dawan) Wafti uu hoggaaminayo agaasimaha waaxda Kormeerka Komishanka xuquuqul insaanka Qaranka Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Cabdi (Biikalo) ayaa gaadhay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Waftiga Komishanka xuquuqal Iinsaanka Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo, ayaa kormeer ku sameeyay xabsiga dhexe iyo saldhiyada booliska  ee magaaladda Cerigaabo, isla markaana kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha ciidamada booliska iyo asluubta, iyaga oo ka dhageystay warbixin la xidhiidha xaalka maxaabiista jeelkaas ku jirta.

Kormeerkan oo ahaa mid uu waftiga agaasimha waaxda kormeerku uu ugu kuurgalayay  xaaladaha guud ee maxaabiista ku sugan jeelka Ceerigaabo iyo waayahooda nololeed.

Sidoo kale agaasimaha waaxda Kormeerka ayaa  saraakiisha  ciidamada booliiska iyo asluubta ee gobolka Sanaag, ayaa  ka wada hadlay dardar gelinta iyo xoojinta arrimaha xuquuqal aadamaha iyo maxaabista ee gobolka Sanaag.

Agaasimaha waaxda Kormeerka Komishanka xuquuqul insaanka Qaranka Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Cabdi (Biikalo), ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada kormeerkoodu uu salka ku hayay. “Ujeedada u weyn ee koomishanku u soo booqday gobolka waxa ay tahay waajibaadkii shaqo ee in uu kormeero isla markaana dabagalo xaalada guud ee xuquuqal aadame, ee dhammaan dalka oo dhan, dhab ahaantii waxa si weyn halkan noogu soo dhaweeyay guddoomiyaha gobolka Sanaag waanu mahadsan yahay.

Sidoo kale waxa si weyn noo soo dhaweeyay labada taliye, taliyaha asluubta iyo booliska, waxaanay warbixin fiican naga siiyeen xaalada guud ee xabsiyada iyo saldhigyada magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag,

Cabdiraxmaan “Waxaan halkan ku soo dhaweynaya oo kormeer shaqo ku soo gaadhay, saldhigyada booliska gobolka Sanaag wefti ka socda koomishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland, waxaanu leenahay soo dhawaada, halkani waa xafiiskii booliskii ee gobolka, saldhigyada booliska iyo goobaha aad u baahan tihiinba waanu idin gaynaynaa,”Ayuu yidhi taliyaha qaybta booliska gobolka Sanaag Saleebaan Ducaale Ubaxle.

Taliyaha qaybta ciidanka asluubta ee gobolka Sanaag gaashaanle dhexe Maxamed Digaale Siciid, ayaa weftiga koomishanka xuquuqal iinsaanka uga mahad naqay kormeerka ay ugu tageen.“Waxa halkan noogu yimid wefti balaadhan oo ka socda koomishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland, oo soo booqday xafiiska Ceerigaabo aad iyo aad ayaanu idiin soo dhaweynaynaa”

Leave a Reply