“Xukuumada Kulmiye uma qarsoona dariiqyo lagu hor istaagayo doorashooyinka”Wasiir Kaahin.

0
454

Hargeysa (Dawan)  – Wasiirka wasaaradda  arrimaha guddaha Somaliland, ahna guddoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE, mudane  Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu sharciga u cuskaday tabashooyinka ay mucaaradku ka qabaan arrimaha doorashooyinka.

Kaahin waxa uu sheegay in shirkii ay xalay yeesheen madaxda mucaaradka iyo madaxweynaha Somaliland, ay mucaaradku ku dalbadeen in madaxweyne Biixi uu ka noqdo guddida uu u magacaabay u kuur galka khilaafka soo kala dhexgalay guddida doorashooyinka, furista urrurada siyaasada oo ay sharci daro ku tilmaameen iyo qabsoomida doorashada madaxweynaha oo ay walaac ka qabaan.

Waxaanu yidhi.”Arrinka koomiishanka waxay kasoojeediyeen ‘guddida aad u saartay waxaanu u aragnaa faragalin, arrinka furitaanka urruradana waxaanu u arganaa sharci daro, arrinka doorashada madaxtooyadana waxaanu u aragnaa in ay gaabinayso’ ”

Wasiir Kaahin ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu dalabka mucaaradka u cuskaday sharciga, isla markaana uu u sheegay in uu sharciga u maray dhamaan talaabooyinka uu qaaday, isla markaana haddii ay caddeeyaan in talaabooyinkiisu ay sharci daro yihiin uu sharciga u hogaansami doono.

Waxaanu yidhi.”Madaxweynuhu wuu ka jawaabay, wuxuu ku yidhi ‘anuu saddexdaa waxan u maray dariiq qaynuun, hadii aad idinku haysaan dariiq kale oo caddaynaya in talaabada aan qaaday ay sharci daro tahayna sharciga ayaan u hogaansamayaa’ arrinka sifiican ayaa looga dooday layslamana afgaranin”

Wasiir ka ayaa sheegay in wadahadaladu ay soconayaan, oo haddii lagu kala koco kulamada hore kulamada danbe la heshiin doono, waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda KULMIYE,  aanay qorshaha ugu jirin in ay dib u dhigto doorashooyinka.

Waxaanu yidhi.”Dadka shicibka ah iyo beesha caalamka labadaba waxaanu u sheegaynaa, in aan xukuumada magaca Kulmiye ka dhisan, in aanay diyaar u ahayn, in anay meel hoosena ugu qarsoonayn, siyaasad iyo dariiqyo lagu joojinayo ama lagu horjoogsanayo doorashooyinka”.

Kulankan xalay dhexmaray xisbiga talada dalka haya iyo asxaabta mucaaridka ayaa ahaa kii labaad ee muddo bil yar ay wada qaataan.

Leave a Reply