Xukuumadda Somaliland oo  Soomaaliya ku eedeysay in ay siyaasadaysay arrimaha xajka

0
416

Hargeysa (Dawan)   – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in labadii sanno ee u danbeeyay ay 6.8% ka heshay qoondada guud ee tirada xujayda laysku siiyo Somaliland iyo Soomaaliya oo dhan 5,206 xaaji halka ay barigii hore ka heli jirtay 40%, kadib markii ay dowlada Soomaaliya siyaasadaysay arrimaha xajka.

Wasiirka wasaarada Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Albaani, ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay siyaasad galisay arrimaha xajka labadii sanno ee ugu danbeeyay ee la xajiyo oo ahaa 2018 iyo 2019.

Waxaanu yidhi.”Dowlada Sacuudigu waxay Somaliland iyo Soomaaliya oo isku jira siiyay tiro dhan 5,206 xaaji, waxa caado ahayd in kolba tirada la helo labada dal qaybsadaan, hadaba waxa jirtay in labadii sanno ee ugu danbeeyay ee la xajiyo oo ahaa 2018 iyo 2019 la siyaasadeeyay arrimaha xajka”

Albaani waxa uu sheegay in siyaasad ay dowladii Farmaajo galisay arrimaha xajka awgeed ay dowlada Sacuudigu soo saartay in Somaliland ay kasoo xajiyaan dad dhan 350 xaaji, oo wadarta guud ka ah 6.8%, halka ay Somaliland hore u qaadan jirtay tiro dhan 2,082 xaaji oo u dhiganta 40%.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland anay mardanbe aqbali doonin qoondada 350 qof ah ee laga siiyay tirada 5000 ka badan “Waxaanu halkan ka caddaynaynaa in aanaan sinaba u aqbalaynin tirada 350 xaaji, shacabkayagana anaan u qaadaynin wax aanay u qalmin”.

Wasiirka ayaa dowlada Sacuudiga ugu baaqay ina dib iskugu noqoto arrintaana wax ka qabato, oo aanay aqbalin in cibaada la siyaasadeeyo sida uu sheegay.

Leave a Reply