Arrimaha U Qabsoomay Wefti uu Hogaaminaayo Wasiirka Waxbarashada oo ku sugan Maraykanka

0
364

Hargeysa (Dawan)  Weftigan oo uu hoggaaminaayo wasiirka wasaaradda waxbarashada Somalland ayaa waxay shirir muhiim ah la yeeshay dhinacyo kala duwan oo dalkaas ah.

Waftiga wasiirka wasaaradda waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye Toorno iyo safaaradda Somaliland ee magaaladda Washington DC ayaa shirar la yeeshay dhinacyo ay ka mid ahaayeen:-

  1. Sanduuqa Dawladda Maraykan u qaabilsan horumarinta Afrika ee loo yaqaano United States African Develooment Fund.

 

  1. Golaha Maraykanka ee horumarinta waxbarashadda caalamiga ah (American Council for International Education).

 

  1. Hayadda Horumarinta Adduunka (Center for Global Development).

 

Waftiga Somaliland oo weli ku jira socdaalka shaqo ee dalka Maraykanka iyo dhinacyadda ay shirarka la yeesheen waxay ka wada hadleen oo ay mabdi’iyan isla qaateen qodobadan:-

 

  1. Horumarinta waxbarashadda Somaliland oo ku haboon heerka dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda iyo sayladda shaqo ee Somaliland oo xoogga la saarayo farsamadda gacanta iyo xirfadaha, curinta iyo cilmi baadhista iyo casriyaynta manaahijta.

 

  1. Horumarinta waxbarashadda miyiga, hablaha iyo ubadka baahiyaha gaarka ah leh oo ay ka mid yihiin deeqo waxbarasho, ka faa’iisaysiga tiknoolajiyadda iyo tamarta cadceeda

 

  1. Tayaynta awoodda iyo aqoonta maamul ee madaxda waaxyaha iyo qaybaha xarunta wasaaradda, iyo gudoomiyeyaasha waxbarashadda ee gobolladda iyo degmooyinka oo socdaal aqoon is-waydaarsi (Study tour) ku booqda laamaha waxbarashadda ee dalka Maraykanka. Kulanadan uu wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno ayaa wuxuu daba-socday sii ambaqaadida xidhiidhka horumarinta waxbarashadda ee u dhaxeeya dalalka Somaliland iyo Maraykanka, kaas oo uu dhawaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi socdaal shaqo uu ku tagay.

Leave a Reply