Dawlada Hoose ee Hargeysa oo   Dhammaan Degmooyinka Caasimada ka Fulisay Ololihii Bilaha ahaa.

0
1053

Hargeysa (Dawan)   Ololahan nadaafadeed oo maanta ka qabsoomay dhammaan degmooyinka Hargeysa ayaa waxa hogaaminaayay maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa Khadar Axmed Cumar iyo masuuliyiin kale oo ka mida dawlada hoose ee Hargeysa.

Ololhaas maanta ka qabsoomay ayaa waxa bulshada degmooyinkaas kala qayb-galay madaxda degmooyinkaas, kuwaas oo bulshada u jeediyay hadalo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa nadaafadda degmooyinkaas.

Degmooyinka ololahani ka qabsoomay ayaa kala ahaa Maxamuud Haybe, Gacan-libaax, 26 June, Ibrahin Kood-buur, 31-ka May, Macalin Haaruun iyo Maxamed Mooge.

Ugu dambayn maayarku-xigeenka caasimada Hargeysa Khadar Axmed Cumar ayaa u mahadceliyay dadeynaha ku nool caasimada Hargeysa iyo shaqaalaha dawlada hoose ee ka qayb qaatay ololahaas, waxaanuu intaas ku daray in ololahan bilaha ah u jeedadiisu tahay in kor loogu qaado nadaafadda caasimada.

Leave a Reply