Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa xaqiijiyay in kooxdiisu ay dalabaad u heshay khadkeeda dhexe ee Frankie De Jong, Barcelona ayaan meesha ka saarayn inuu baxo walow ay wali muhiimada koowaad siinayaan inuu sii joogo.
Markasta oo uu helo fursad ayaa la sheegay in tababare Xavi Hernandez uu u sheego maamulka Barcelona inuu ciyaartoy muhiim ah qorshihiisa ka yahay De Jong.
Haatan wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegaya war ah in Barca ay iibin doonto De Jong kaliya haddii ay isku hubto ugu yaraan mid ahaan saxeexyada labada xiddig ee kala ah weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski iyo khadka dhexe ee Man City ee Bernardo Silva.
Xavi ayaa ka warqaba in Bernardo iyo Lewy ay horumarin doonaan safka kooxdiisa sidaas darteed uu albaabku u furan yahay De Jong haddii ay iyaga helayaan.
Bayern iyo City ayaa hore u xiisaynayay walina u xiisaynaya De Jong, Barca ayaa ka iibin doonta haddii ay taasi ka dhigantahay inay helayaan bartilmaameedyadooda.
Mundo Deportivo ayaa intaas ku daraya in De Jong isaga warkiisu cad yahay oo uu doonayo inuu sii joogo Barcelona oo uu farxad ku dareemayo balse waxkasta waxa go’aamin doonta xaalada dhaqaale ee Barcelona oo haddii ay lacag u baahato isaga u aragta midka ay ka samayn karto.
Manchester United ayaa ah kooxda muddooyinkan inta ugu badan lala xidhiidhinayay 25 sano jirkaas maadaama oo uu kooxdaas qabsaday tababarihiisii Ajax ee Erik Ten Hag.