Kooxda PSG oo Go’aan ka Gaadhay Xiisaha Ousmane Dembele

0
242

Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay isaga baxday tartanka loogu jiro saxiixa garabka Barcelona Ousmane Dembele xagaagan.

Inkasta oo uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan Dembele ayaan wali heshiis cusub u saxiixin kooxda PSG iyada oo uu heshiiskiisu dhici doono bisha soo socota.

Xilli ay jirto suurtagalnimo uu heshiis cusub ugu saxiixi karo kooxda Barcelona hadana waxa jirta warar la xidhiidhinaya kooxo kala duwan oo ay ka mid tahay PSG.

Si kasta ha ahaatee, sida laga soo xigtay Le Parisien, kooxda reer France ayaa dooratay inay soo afjarto xiisihii ay u qabtay 25 jirkaan sabab la xdihiidha agaasimaha cusub ee kooxda.

Sida ay sheegayaan wararku agaasimaha cusub ee PSG ayaan doonayn saxiixa Dembele sabab la xidhiidha dhaawacyada xiddig oo ah kuwa aad u badan.

Xiddiga Demebele ayaan haatan u dhaqaaqi doonin kooxda PSG xagaaga waxana uu fursado kale ka raadsan doonaa kooxaha kale ee doonaya saxeexiisa.

Leave a Reply