Musharaxnimadda Cirro Ma Laga Yaabaa In Ay Khatar Ku Noqoto Somaliland”

0
440

Qore Cumar Axmed Cali.

kaalinta uu mudane cabdiraxman ciro Ugu Jiro Shacabka Somaliland Oo Ah Kaalin Hogaamiye Mucaarad, Ma La Odhan Karaa Waxay khatar ku tahay midnimada, wadajirka iyo amniga Somaliland?.

Bal-hadda ila eeg dhowrkan dhacdo ee hoos ku xusan:

  • 2015 md Cirro oo ahaa gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa laga keenay mooshin la doonayay in xilka gudoomiyanimo lagaga qaado, iyada oo uu mooshinkaasi haystay aqlabiyad ku filan in xilka gudoomiyenimo lagaga qaado, waxaanay arrintaasi muujinaysay uun in uu waayay kalsoonidii uu golaha ku maamuli lahaa laakiin may jirin dhibaato kale oo meesha taalay.

Md Cirro markii uu ogaaday in uu waayay kalsoonidii uu golaha ku hogaamin lahaa, aayar xilka ma banayn ee waxa uu qaaday talaabooyin uu ku carqaladaynayo amniga iyo wadajirka bulshada, isaga oo dareen dhiilo leh ku abuuray dhagaha iyo quluubta taageerayaashiisa oo beeshiisa u badnaa.

Ugu danbeyna waxay arrintaasi ku soo biyo shubatay in md Cirro loo qoro warqad sharcidaro ah oo sheegaysa in aan xilkaa gudoomiyenimo ee uu hayo laga qaadi karin.

  • Ddoorashadii madaxtooyada ee 2017 waxa uu md Cirro tartan xoogan la galay madaxweynaha hadda jooga ee Muuse Biixi oo kaga guulaystay codad gaadhaya 80,000 cod.

Inkasta oo uu md Cirro goor danbe aqbalay najiidadii ay ku dhawaaqeen gudida doorashooyinka qaranku, hadana waxa uu raaciyay hadalo ay ka buuxaan uurkutaalo, calool xumo iyo hurgumooyin aasan, waxaanay arrintaasi sal iyo xudunba u ahayd jabhaddii Caare.

  • 2018 ilaa 2020 waxa xisbiga WADDANI iyo UCID u xayirnaa doorashooyinkii isku sidkanaa ee wakiilada iyo deegaanka oo muddo dhaaf ahaa, waxaanay gabi ahaanba diideen in ay la shaqeeyaan gudidii hore ee doorashooyinka.

Waxa se cajaa’ib la hayd in markii ay gudidaasi hore meesha ka bexeen in hadana ay mar labaad dalbadeen in dib loo soo celiyo gudidii hore ee lagala quustay in ay la shaqeeyaan, iyaga oo tii cusbeyd ee sababtooda loo keenayna diiday.

  • Waxa kale oo aynu maanta arkaynaa kicinta iyo colaad galinta uu md Cirro iyo taageerayaashiisu wadaan, arrntaasi oo turun-turayn karta taabo galinta iyo yegleelidda qaranka aynu dhidibada u taagayno.

Haddii md Cirro oo lagaga badiyay 80,000 oo cod uu maalin walba la soo taagan yahay shacabka ayaan u tanaasulay, oo macnaheedu yahay la igama guulaysan ee waan tanaasulay, haddii doorashada soo socota lagaga badiyo tiro yar maxaa laga filan karaa?.

 

cumaraxmed331@gmail.com; 0634244802.

 

Leave a Reply