Real Madrid oo €100 Milyan oo Gini Dul-dhigtay Xiddig ku Biiraya Liiska Saxeexyadeeda ugu Qaalisan

0
507

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa qarka u saaran dhamaystirka saxeexa xiddig khadka dhexe ah oo ay €100 milyan oo Euro kula soo wareegayso, kaas oo ku biiraya liiska ciyaartoydii ugu qaalisanaa kooxdan, kaas oo la filayo inuu noqdo saxeexa labaad ee ay Los Blancos samayso xagaagan.

Real Madrid ayaa bartilmaameedkeeda ugu weyn ee xagaagan uu ahaa Kylian Mbappe oo ay ku guul-darraysteen inay kala soo wareegaan PSG, kaddib markii uu laacibkaasi go’aansaday inuu sii joogo kooxdiisa oo uu qandaraas cusub u saxeexay.

Waxa kale oo ay Real Madrid waqti hore heshiis aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin ay la gaadhay difaaca reer Germnay ee Antonio Rudiger oo ay si xor ah ugala soo wareegayso Chelsea, kaas oo la rumaysan yahay inuu noqonayo saxeexa koowaad.

Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa markii ay kooxdiisu ku fashilantay saxeexa Kylian Mbappe, waxa uu u jeedsaday laacibka khadka dhexe uga ciyaara Monaco ee Aurelien Tchouaméni oo la sheegay inay qarka u saaran tahay in la dhamaystiro heshiiskiisa.

Labada kooxood ayaa wax walba isla meel dhigay, balse waxa ay ku kala aragti duwan yihiin qiimaha Aurelien Tchouaméni oo ay AS Monaco ku xidhay €100 milyan oo Euro, taas oo ay Real Madrid na ka war-wareegayso.

Sida ay xaqiijiyeen warbaahinta waddanka Faransiisku, Real Madrid waxay diyaar  u tahay inay aqbasho €80 milyan oo Euro, laakiin ay Monaco ka rajaynayaan inay tanaasul ka samayso €100 milyan ee Euro ee ay dalbanayso.

Waxa uu warku intaa ku daray, in Real Madrid ay ka go’an tahay in ay Tchouameni gacanta ku dhigto, waxaana la filayaa in heshiiskiisa la dhamaystiro maalmaha foodda inagu soo haya.

Leave a Reply