Waa Kuwee Shanta Saxeex ee ay Chelsea Kooxda kusoo Xoojin Karto Suuqa?

0
259

Chelsea ayuu sugayaa oo qaadan doonta suuq xagaa oo aad u mashquul badan kaddib markii la dhammaystiray heshiis 4.25 Bilyan pound ah oo uu si rasmi ah ugula wareegay mulkiilaheeda cusub ee Todd Boehly.

Mulkiilaha ree Maraykan ayaa xilli muhiim ah u imanaya Chelsea oo u baahan inay go’aamo badan oo waaweyn gaadho kahor xilli ciyaareedka dambe.

Tababare Thomas Tuchel ayaa aad u dooni doona saxeexyo cusub oo waaweyn maadaama oo uu arkay xiddiga laf-dhabar u ahaa oo bixitaan go’aansaday.

Antonio Rudiger ayaa u wareegaya Real Madrid, Andreas Christensen ayaa isaguna Barcelona qarka u saaran halka sidoo kale ay isla Barca ku biiri karaan Cesar Azpilicueta iyo Marcos Alonso.

Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa magacyada shan saxeex oo ay Blues kusoo xoojin karaan safka ay haatan ku haystaan Stamford Bridge.

Ugu horreynba xiddig mudo dheer lala xidhiidhinayay kooxdaas ayaa ah khadka dhexe ee West Ham United ee Declan Rice. Rice oo heshiis cusub oo siddeed sano ah ka diiday Hammers ayay kooxdiisu in ka badan 100 Milyan oo pound ku doonaysaa saxeexiisa.

Ciyaaryahan ayay wararka qaar sheegayaan in kooxda ree London saxeexiisa ku dhawdahay ayaa ah Ousmane Dembele oo heshiiskiisa Barcelona dhacayo isaga oo dib ula midoobi kara tababarihiisii Borussia Dortmund ee Tuchel.

Chelsea ayaa sidoo kale aad iskugu dayaysa saxeexa daafaca dhexe ee Sevilla ee Jules Kounde kaas oo ay u arkaan mid buuxin kara boosaska Rudiger iyo Christensen. Kounde qudhiisa ayaa xiisaynaya ku biirista Blues.

Chelsea waxay dhinaca kale diyaar u tahay inay Man United ka dulqaado saxeexa Christopher Nkuku oo RB Leipzig xilli ciyaareed weyn kusoo qaatay kaddib 34 gool iyo 20 caawimo oo uu soo sameeyay. 24 sano jirkaas ayaa 84 Milyan oo pound lagu qiimeeyaa.

Xiddiga shanaad ee u dambeeya ayaa ah daafaca bidix ee Brighton ee Marc Cucurella oo sidoo kale Man City lala xidhiidhinayay. Cucurella oo ay Blues bedelka Alonso u arkaan ayay kooxdiisu 45 Milyan oo pound ku doonaysaa iibkiisa.

Leave a Reply