Wefti Soo Kormeeray Mashriic laga Fulinayo Ceerigaabo

0
326

Ceerigaabo (Dawan)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Jiidhe iyo wafti uu hogaaminayey ayaa shalay soo kormeeray mashriicdda dhismayaasha ee wasaaradda hawlaha guud gacanta ku hayso ee ka socda magaaladda Ceerigaabo.

Kormeerkan Agaasimaha Guud waxa ku wehelinayey agaasimayaasha waaxyaha dhismaha, naqshadeynta magaalooyinka, xidhiidhka goboladda iyo warbaahinta, iskuduwaha wasaaradda ee gobolka Sanaag, iyo injineeradda kormeerka dhismayaasha ee xafiiska wasaaradda ee Gobolkaas.

Dhismayaasha oo ay ka mid ahaayeen dhismaha dhismaha cisbitaalka dhimirka ee magaalada Ceerigaabo, dhismaha dhismaha saldhigyada laga hirgalinayo magaalada Ceerigaabo, Iyo Dhismaha MCH Cusub Oo Magaaladada Ceerigaabo Iyo Dhismaha Xarunta Kastamka Oo Dhamaaday.

Agaasimaha Waaxda Dhismaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Eng. Axmed Haybe Colijoo Ayaa Warbixin Agaasimaha Ka Siiyey Dhismayaashan, Isagoo Sheegay In Halkan Ku Suganyihiin Injineeradii Gobolka Ee Dhismaha Kormeerkooda Iyo Dabagalkooda Uqaabilsanaa Uguna Horeeyo Iskuduwaha Wasaaradda Hawlaha Guud Ee Gobolka Ceerigaabo.

Iskuduwaha Wasaaradda Hawlaha Guud Ee Gobolka Ceerigaabo Eng Jamaal Weyd Oo Isna Dhinaciisa Ka Warbixiyey Xilka Xafiis Ahaan Ka Saaran Ilaalinta Dhismayaasha Dawladda Oo Qaranka Masuul Uga Tahay Wasaaradda Hawlaha Guud, Wuxuuna Dhinaca Kale Sheegay Inuu Injineeradda Dhismayaashan Ku Qoran Uu Ka Masuul Ahaan Isagu Kula Xisaabtamo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe Ayaa Soo Kormeerey Isla Markaana Soo Indho-indheeyey Dhismayaashan Dawladeed Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Gacanta Ku Hayso, Wuxuuna Bogaadiyey Injineeradda Wasaaradda Ee Gacanta Ku Haya Dhismayaashan.

Leave a Reply