Xeerka Maalgashiga Qaranka ee Somaliland Oo La Daah-furay

0
645

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Maalgashiga iyo Wershadaha Somaliland Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare, ayaa shalay magaaladda Hargaysa ka daah-furay xeerka maalgashiga qaranka ee Xeer LR 99/2021-ka.

Xeerka maalgashiga Somaliland oo dhaqan galay lana faafiyay sanadkii hore badhtamihiisii ayaa ka kooban 33 qodob, kaasoo dulucdiisa guud tahay dhiiri gelinta maalgashiga khayraadka dalka ka shisheeyaha iyo ka gudaha ba.

Xeerkan maalgashigu wuxuu hagayaa oo uu adkaynayaa aasaas sharci na uu siinayaa siyaasadda maalgashiga ee qaranka (national foreign investment policy), sida uu sheegay wasiirka Maalgashiga iyo Wershadaha Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare.

Waxaanu yidhi, “Xeerkani maalgashigu, waxa uu dhaqan galay sanadkii hore badhtamihiisii, oo uu ansaxay, oo la faafiyay. Laakiin, isbedelkii wasaaradda maamulkeedda ku yimid ayaa keenay in ay dib u dhacdo munaasibadda daah-furka xeerku.

Xeerkani wuxuu ka kooban yahay 33 qodob. Dulucda uu sidaa na guud ahaanba waa dhiiri gelin. Waana inuu maalgashiga dheeri geliyo, oo uu soo jiito maalgashiga wadamadda shisheeyaha, ama ajaanibka ah, iyo ka gudaha, labadaba inuu dhiirigeliyo oo uu xoojiyo, weeye muhiimadda ugu weyn ee uu leeyahay xeerku.

Xeerku wuxuu hagayaa, oo uu adkaynayaa, oo uu isna aasaas sharci siinayaa, siyaasadda maalgashiga ee qaranka (national foreign investment policy). Dabadeed na xeerku isagoo kabaya siyaasadaasi, oo aasaaskii sharci siinaya, ayay qodobadan arrimaha maalgashiga khuseeyaa”.

Wasiirku waxa kaloo uu sheegay in maalgashigu uu ka imanayo dhawr meelood oo ay ugu horayso in ganacsatadda wadanka lagu dhiiri geliyo in ay maalgeliyaan khayraadka dalkeenna. Iyadoo meelaha mudnaanta la siinayo ay ka mid yihiin Beeraha, Xoolaha, Kalluumaysiga, iyo Macdanta.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Maalgashigu na dhawr meelood ayuu ka imanayaa, oo ay koow ka tahay ganacsatadda wadankeena oo aan doonayno, in lagu dhiiri geliyo in ay maalgeliyaan khayraadka dalkeenna.

Waxaanu doonaynaa in dhaqaalaha ay leeyihiin dadka muwaadiniinta ah, ay uga faa’iideeyaan danta qaranka (national interest), oo ah in khayraadka wadankeenna la maalgeliyo, oo xoolihii dalka loo geliyo, si dhaqaale ka buuran loo abuurro. Meelaha mudnaanta leh, ee aanu is leenahay maalgashiga waa in xoogga la saarro, waxaa ka mid ah Beeraha, Xoolaha, Kalluumaysiga, iyo Macdanta, waa meelaha aanu doonayno in aanu xooga saarno”.

Geesta kale wasiirka Maalgashiga iyo Wershadaha Somaliland waxa uu sheegay in mudada uu dhaqan galka ahaa xeerka maalgashigu in ay aad u korodhay tiradda shirkadaha ajaanibka ah ee dalka u yimid in ay maalgashadaan.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare, ayaa tilmaamay in 301 shirkadood ay wasaaradda maalgashigu diiwaan gelisay, kuwaasoo 196 ka mid ah ay leeyihiin muwaadiniin reer Somaliland ah, halka 106-da kalena ay yihiin ajaanib.

“Mudadii xeerku dhaqan galka ahaa, ee uu shaqaynayay waxaa laga faa’iiday, oo uu keenay in ay kordheen tiradda shirkadaha ajaanibka ee maalgashadeyaasha ah dalka yimid. Shirkadaha maalgashadeyaasha ah, ee wasaaradda u diiwaan gashan, ama qaatay diiwaan gelintii maalgashiga qaatay, waa 302 shirkadood.

Shirkadaha ay dadka muwaadiniinta ahi leeyihiin waxay ka noqonayaan tiradaasi 196 shirkadood. 106 shirkadood na waxa ay yihiin shirkadaha ay dadka ajaanibka ahi leeyihiin, ee is-diiwaan geliyay” ayuu yidhi wasiirka Maalgashiga Somaliland.

Dhinaca kale xafladii lagu daah-furayay xeerka Maalgashiga waxaa ka soo qayb galay wasiirka qorshaynta, wasiirka Beeraha, masuuliyiin ka socday World bank IFC, guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland guddoomiyaha ururka wershadlayda, guddoomiyaha rugta ganacsiga.

Agaasimaha Guud ee wasaarada Maalgashiga iyo Wershadaha Maxamed Cismaan Siciid, Compony-ga East African Constractors Limited ‘EACL’, Xilibaanno ka tirsan golaha Wakiiladda, Baananka iyo Shirkadaha ay wada shaqaynta dhaw leeyihiin wasaaradda ee ka shaqeeya xaga Maalgashiga.

 

 

 

 

Leave a Reply