Faragelin Komiishan Ma Jirin Waan Beeninayaa

0
385

Gud Hore Doorashooyinka Eng Cabdirashiid Maxamuud Cali

 Hargeysa- Gudoomiyahii hore Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Eng. Cabdirashiid Maxamuud Cali ayaa beeniyey in farogelin xukuumadu ku haysay shaqada Komiishanka, isla markaana sheegay inuu xilkii Komiishanka iska casilay, maadama xubnaha xisbiyadda Mucaaradku soo magacaabeen inkireen masuuliyadiisii Gudoomiyenimmada, isla markaana diideen inay saxeexaan xeer-hoosaadkii shaqada Komiishanka.

Eng. Cabdirashiid oo shalay warbaahinta faahfaahin ka siiyey sababaha keenay is-casilaadiisa ayaa ugu horeyn mahadcelin u jeediyey dhamaan dhinacyadii wada shaqeyntu soo dhexmartay, waxaanu raaciyey in Komiishanka Doorashooyinka Qaranku shaqo badan soo qabtay, isla markaana wax badan ka sii diyaariyeen hawlaha doorashooyinka soo socda, waxaanu yidhi,

“Komiishanka Doorashooyinka oo muddo laba sannadood ka badan ayaan shaqeynaynay, oo doorashadii isku-sidkanayd ayaan soo qabanay, oo ilaahay innagu guuleeyey. Sidoo kale, doorashooyinka soo socda shaqooyin badan ayaan ka sii diyaarinay, xukuumaduna dhaqaalahii loo baahnaa, wax badan ayey soo shubtay. Markii aanu doonaynay inaan shaqadii sii bilowno ayuu khilaafku dhacay.

Gudoomiyahii Hore ee Komiishanka Eng Cabdirashiid oo sharaxaad ka bixinayey sababaha keenay khilaafka komiishanka ayaa yidhi,

“Xilka Komiishanku wuu balaadhan yahay, kana mid yihiin in shuruucda la ilaaliyo, in doorashooyin xaq oo xalaal ah la qabto, in caddaalad iyo sinnaan dhinacyada tartamaya, shaqaalaha lagu maamulo, isagoo sheegay in macnaha caddaaladu aanay ahayn keliya sanduuqa codka, laakiin, ilaa halka u hooseysa ee shaqaalaha, wada shaqeynta iyo awaamiirta ayaa ka horeeya tirinta sanduuqa codka, hadii caddaaladu wada shaqeynta ka xumaatanna, tirinta sanduuqa codku ma hagaagayso.

Mar uu sii faahfaahinayey meelaha muranku ka dhashay ayuu sheegay inuu caqabad kala kulmay horumar u uku sameeyo shaqada Komiishanka doorashooyinka, isagoo yidhi,

“Muranka komiishanka Doorashooyinku waxuu bilaabmay bilowgii shaqada, waxaan ku soo wadnay isu-dulqaata, isku-soo jiida ayey ku soo socotay, dulqaadkuna xad ayuu leeyahay, haduu dhamaado, arrinkii wuu dilaacayaa, muranka saldhigiisu waxuu ahaa in la diido saxeexida xeer-hoosaadkii Komiishanka Doorashooyinka lagu maamulayey.

Eng Cabdirashiid ayaa sheegay in xeer-hoosaadkii Komiishanka Doorashooyinka ee la diiday in la saxeexo qodobkiisa 30aad dhigayo hadii aanay dhamaan xubnaha Komiishanku saxeexin, dhaqangal maaha xeerku.

“Maadaama xeerkii dhaqangal noqon waayey weelkii lagu shaqeyn lahaa ayaa maqnaa. Bilowgii xubnahu waxay ku shaqeyn jireen xeer no 20 & 37, labada xeer xubnahii joogay way saxeexeen, markii xubnahii Mucaaradku yimaadeen, way diideen inay saxeexaan xeerkii komiishanku ku shaqeyn lahaa. Labadii xubnood ee mucaaradku waxay yidhaahdeen Gudoomiyenimadaada ma aqoonsanin…xeerka ma saxeexayno, Komiishanka Doorashooyinkuna waa ku-meel-gaadh? Annigu garan mayo, halka u uku-meel-gaadh ku noqday.

Eng Cabdirashiid ayaa sheegay in Xeer 91 ee Baarlamaanku ansixiyey aanu waxba ka sheegayn hanaanka shaqada Komiishanka, laakiin xeer-hoosaadkii ka farcamayey ee faahfaahinayey shaqada markuu diyaariyey in xubnahii Xisbiyada Mucaaradku diideen inay saxeexaan, ilaa manta-na dhaqan-gal ma noqon xeerkii komiishanku ku shaqeyn lahaa, isagoo yidhi,

“Ma jirin xeer iga qaadi karayey xilka Gudoomiyaha, cid walba daliilkeeda ha keento, sababtoo ah waxaa xilka la iigaga qaadi karayey hadii uu dhaqangal noqon lahaa xeer-hoosaadkii Komiishanku, balse waa la diiday saxeexidiisa, nasiibdaro ninkii diiday inuu saxeexo ayaa cuskaday markii la yidhi xilkii ayaa laga qaaday Gudoomiyaha Komiishanka. khilaafka komiishankuna sidaa ay ku bilaabmay, meel aan sharci lahayna shaqo kama socon karto.

Eng Cabdirashiid ayaa dhaliilo u soo jeediyey xubno Sharci-yaqaano ah oo marar badan ku celceliyey inay sharci ahayd xil-ka-qaadistii gudoomiyaha komiishanka, waxaanu sheegay inuu sharciga la hortegi doono inuu caddeeyo, isagoo yidhi,

“Maaha in bulshada la majaro-habaabiyo, oo sharciga been laga sheego, oo qofka masuulka ah lagu gefo, maaha sharci.

Gudoomiyahii hore ee Komiishanka Doorashooyinka Eng Cabdirashiid ayaa sheegay inuu si weyn u deedafaynayo hadallo marar badan xisbiyadda Mucaaradku ku celceliyeen oo sheegaya in faro-gelin lagu hayo komiishanka doorashooyinka, isagoo yidhi,

“Waxaan si adag u beeninayaa hadalada mucaaradku ku sheegeen in farogelin xukuumadu ku hayso Komiishanka, taasoo aan filayo inay (Anniga) iila jeedeen, waan beeninayaa, masuul la shaariyey ayaan ahaa, maaha qofka in lagu gefo. Qoraalkii is-casilaada xukuumada iyo madaxweynahu waxba kalama socon, xubnaha Komiishanka ayaan saddex maalmood ka hor markaan qoray u dhiibay inay saxeexaan, markii ay diideen, halkii ay lahayd ayaan u diray.

 

 

 

Leave a Reply