Waxaan Leeyahay Madaxda-Dhaqanka Iska Daaya Bulshada Aad Kala Qaybinaysaan” Xildhibaan Xareed

0
292

Hargeysa( Dawan) Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble oo ka mida Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa usoo jeediyay Madaxdhaqameedka in ay faraha kala baxaan arimaha Siyaasada ee dalka.

Maxamuud Xareed Rooble oo u Waramayay Wargeyska Dawan ayaa waxa uu sheegay in Siyaasada dalka loo igmaday Golayaasha qaranka,isla,markaana la joojiyo hadalada caadifada iyo xumaanta.

Maxamuud Xareed oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Madaxdhaqameedka faraha hakala baxaan Siyaasada cidbaa loo igmaday Golayaashii Xeerdajintii Garsoorkii iyo fulintii ayaa jira waaku filan yihiin wixii jira in ay xaliyaan,waa in dhex ka ahaadaan Madaxdhaqameedka Siyaasada dalka.shacabka waxa aan leeyahay Nina qabiil wax uma taro labo arimood isma qabanayaan waana Madaxdhaqameed xumaana wuu ka talinayaa.waxa aan leeyahay dadka Madaxdhameedka iska daaya bulshada aad kala qaybinaysaan iyo hadalo xun ee isku jawaabaysaan ee cadifada iyo xumaanta dhalinaya,waxaana leeyahay xumaan waxba ma, dhasho Hargeysa qoli gaari malaha waa Caasimadii wadanka weeye,”.

Xildhibaan Xareed ayaa waxa uu sheegay in laga heshiin doono khilaafka ka taagan Doorashooyinka.Waxaana uu yidhi”Waxa aan aaminsanahay in laga heshiin doono Khilaafka ka taagan Doorashooyinka, Xaalada guud ee dalka in ay dhib jirto uma arko meel aan lagu murmin waa meel aan waxba lagu qabanan.waayo arag ayaynu usoo nahay xumaanta dhibta ay leedahay waa wada garanaynaa, iyada oo cidii inoo iman ayaa hawlaheen dhamaysan jirnay.waxaana aan rajaynayaa in aynu dhamaysan doono wixii gudaheena oo wax dhibi wadanka ku iman doonin,maanta meel laga noqdo majoogno waxyaabo badan ayaan usoo joogay xumaana meelna lagu gaadhi maayo. rajo fiican ayaan ka qabaa arimaha imika taagan in laga heshiin doono.ka guurti ahaana marka ay timaado xiligeeda in aanu ka qayb qaadano ayaanu diyaar u nahay,”.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in horumar laga sameeyay Siyaasada arimaha dibada Somaliland.Waxaana uu yidhi”Waxa aan aaminsanahay in baryahan dambe fiicnayd Siyaasada arimaha dibada ee Somaliland,oo midho dhalinteedii ay hadhay sidaa awgeed arin fiican ayaan u arkaa heerka ay marayso Siyaasada arimaha dibada dalka wax badan ayaanay usoo kordhinaysaa Somaliland,”.

 

 

 

 

Leave a Reply