Aqooon Iyo Cilmi Kaashanaya Waayo-Aranimo!

0
235

Markii uu Aabaha wiilkiisu ka soo qalin jebiyay Kulliyada ganacsiga ee Jaamacadda markiiba waxa uu shaqadii la bilaabay Aabihii oo Huteel cuntada lagu iibiyo lahaa. Aabaha ayaa mid aad u naxariis badan oo raashinka aad u siiya qof kasta oo baahan.

Laakiin wiilka oo aad ula yaaban sida Aabihii gacntiisu u furan tahay ayaa ku yidhi :” Aabo anigu sidan kuma shaqayn karo, waxaan soo bartay cilmiga ganacsiga , iyo in waxa ku soo gala iyo kharashka baxaya isu dheelitir lagu sameeyo, macamiilkaagana raali geliso, laakiin sidan ma wanaagsan qiyaas iyo qorshe midna kuma wadid.

Aabaha oo waayo arag aha ayaa ugu jawaabay in neefka adhiga ahi uu dhalo hal neef keliya , haddana uu ka badan yahay Eyga oo markiiba dhala 3- 6, waxaana uu raacay su’aash aha  “ adigu taasi miyaad fahmaysaa Wiilkaygow?,  Aabah ayaa isagoon weli jawaabin ku yidhi waa barkada, 20 sano ayaan huteelkan haystay oo aan idinku koriyay, waxna isma dhimin”. Sadaqaduna waxba ma yeesho, ee Aabo sheqee halkan ayaan anigu aqoon u leeyahay oo ma burburaysee. Waayo aragnimadu waa arin muhiim u ah shaqada waxaana ay keenta in uu qofku ku dhiirado shaqada. Cilmi iyo aqoon kastana waxa loo baahan yahay in lagu ladho waayo aragnimo.

 

 

 

Leave a Reply