Farsamooyinka Sadaqada Ee Gidaarka Ee Cajiibka Ah!

0
350

Nin ku cusub deegaanka ayaa soo galay makhaayad ku taalla dacalka magaalada waxaana uu ka dalbaday koob shaah ah, laakiin wax yar ka dib waxa soo fadhiistay nin kale oo ka mid ah macmiilka Makhaayadda waxaana uu ka dalbaday laba koob, isagoo ku yidhi “ Koob aniga ii keen, ka kalena Gidaarka”

Ninkii shaqaalaha ahaa ayaa u keenay koob isaga waxaana uu gidaarka ku dhejiyay warqad ay ku qoran tahay koob shaah. Isagoo weli ninkii yaaban ninkii cusbaa ayuu nin kale oo soo ag fadhiistayna sidaasi sameeyay.

Mar danbe waxa soo galay nin kale oo meel aana sida uga fogayn faadhiistay waxaana uu ku yidhi wiilka Makhaayadda: “ Ii keen koob shaaha oo ah kii gidaarka”. Waxaana loo keenay koobkii shaaha ah , laakiin wiilka makhayaadda ayaa gidaarka ka gooyay warqad ay ku qoran tahay koob shaah ah.

Ninka cusub ayaa ogaaday in bulshadani ay si cajiib ah sadaqada u bixinayaan, mid waxa uu oppdhanayaa koobb gidaarka ah, si loo siiyo ka aan iibsan Karin. Halka kale ee dalbanaya koob bilaash ah uu odhanyo koob kii gidaarka ah ii keen.  Waxaana ay u bixiyeen sadaqadda qarsoon ee gidaarka.

 

 

 

 

 

Leave a Reply