Hay,ada u Diyaargarowga Aafooyinka oo Kaalmo Raashin ah Gaadhsiisay Qaar ka mid ah Naafada Hargeysa

0
233

Hargeysa(Dawan)Hay,adda u diyaargarowga  Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka qaranka ayaa kaalmo raashina gaadhsiisay dadka baahiyaha gaarka qaba ee laxaadka la ee ku dhaqan Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Hay,ada u diyaargarowga  aafooyinka iyo Kaydka Raashinka qaranka  Faysal Cali Sheekh ayaa uga mahadnaqay Dawlada Qadar oo  kaalmadaas  Raashinka soo gaadhsiiyay dalka.Waxaanu  yidhi”Waxa aan u mahadnaqayaa oo na soo gaadhsiiyay Dawlada Qadar Amiirka Qadar iyo shacabkeeda  oo mucaawimadan aanu qaybinayno dadka laxaadka la ee Indhaha la ama dhagaha la ee Naafada,waxaana dalka ka jira culaysyo  Cunto  nololeed ayaa dalka ka jira  iyo abaaro 250 Kun oo qoys ayaa u baahan Cunto la gaadhsiiyo Roobabkii dayrta iyo Guga oo aan la helin ayaa saameeyay dadkii Xoolo dhaqatada ahaa ee dagan Somaliland  Gobalada dalka oo dhan abaartu waaka jirtaa Bari iyo Galbeed Dawlada Qadar wixii ay nagala qaban karto xaga Mucaawimooyina in ay noo soo dirto ayaan ka codsanaynaa,”.

Sidoo kale  Agaasimaha dalada guud ee Naafada Maxamed Axmed Ciise oo hadal ka jeediyay halkaas  ayaa waxa  ayaa uga mahadnaqay Hay,ada u diyaargarowga  aafooyinka iyo Kaydka Raashinka qaranka deeqdan Raashinka ee la soo gaadhiiiyay,

 

 

 

 

Leave a Reply