SOOYAALKA RADIO-HARGEYSA

0
472

Inta aynaan u gudo-gelin sooyaalka iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay idaacadda Reedhyow Hargeysa , bal waxaynu wax ka iftiimin doonaa sidii uu adduunka ugu soo kordhay Aaladan reedhyowgu. Guglielmo Marconi oo ahaa nin u dhashay dalka Talyaaniga ayaa ahaa Aabaha iyo qofkii sameeyey amaba  ikhtiraacay Aaladan reedhyowga sannadkii 1901-dii ,isagoo wixii intaasi ka danbeeyeyna hir geliyay mawjado meel dheer laga maqlo waxaanu sannadkii 1909-kii ikhtiraacaasi cusub uu Marconi ku helay Abaal-marinta Nobel-ka dhanka Physics-ka iyadoo Sannadkii 1910-kii Aaladaa cusub ee dunida kusoo korodhay loogu wan-qalay (Radio) . Reedhyowga ayaa ah walax yar oo fudud isla markaana loo isticmaali karo hab fudud  laguna isticmaali karo meel walba.

 

Soomaalida oo ah bulsho wax dhegaysata dhaqan afeedkeeduna uu u sahlayo isku gudbinta warka  ayaa waxa uu reedhyowgu soo gaadhay xilli uu adduunka si weyn uga aloosnaa dagaal weynihii labaad ee aduunka (Second World War 1939-1945)

 

REEDHYOW KUDHII

 

Waxa sannadkii 1941-kii hawada laga maqlay tijaabada idaacadda Reedhyow Hargeysa oo aan wadan magacan balse xilligaasi la furey la odhan jirey Radio-Kudhi (Kudhi waa goodirka) Waxaana uu ahaa War-laliye yar oo Kooban isla markaasina ay ciidamadii Ingiriisku warka isku gaadhsiin jireen ayaa loo bedelay reedhyow dadka warka lagu gaadhsiiyo, intii tijaabadu socotay waxa lasoo weriyey sheeko ka dhalatay sidii ay Soomaalidu uga fal-celiyeen in bir laga maqlo cod dad waxaana sheekadan ka waramay weriye weji bal hada u fiirso sheekan;

 

XAGEE NALAGA SALAAMAY     ,WAABA NALA SALAAMEE !? ;

 

Intii lagu jirey tijaabada idaacadda ayaa nin kamida nimankii Ingiriiska ahaa ee furayay idaacadda ayaa reedhyow yar oo uu lahaa maalinba gees ugala bixi jirey magaalada isagoo eegayay bal halka ay gaadhayso tijaabada idaacaddu ,iyadoo weli lagu gudo-jiro tijaabadii ayaa ninkii Ingiriiska ahaa waxa uu maalin  kusoo ilaabay  geed Hargeysa duleedkeeda ah ,reedhyowgii yaraa ee uu tijaabada ka dhagaysanayay isagoo furan . Nin caraabe ahaa ayaa helay Reedhyowgii waanu garan waayay wax uu yahay waxaanu sudhay ushii uu sitay cabaar markii uu socday ayay tijaabadii idaacaddu soo gashay oo ay tidhi ” Asalaamu Caleykum wa raxmatullahi wa barakaatu halkani waa reedhyow kudhi”. Ninkii baa yidhi “Caleykuma Salaam ,waaba nala salaamee halkee nalaga salaamay !?”.

 

Manuu garanin in bahalkan uu sitaa uu hadlayo , tijaabadii idaacadduna way aamustay, cabaar markii uu socday ayay hadana tijaabadii soo gashay oo tidhi ” Asalaamu Caleykum halkani waa reedhyow kudhi”. Ninkii markaas ayuu gartay in birtan uu sitaa ay hadlayso waanu tuurey isagoo u cararay halkii reeruhu ka xigeen  waxaanu  yidhi ” Laqad nadaqal Xadiid; birtii baa hadashay adduunka waa la rogoyaa ,Aw-hebeloow soo kac” , reedhyowgii yaraa ayaa lasoo qaaday waxaana la dhex keenay reerihii cabaar markii uu hadli waayay, ninkiina la odhan kari waayay ” Been baad sheegaysaa !” Ayay hadana tijaabadii soo gashay oo uu reedhyowgii hadlay ,”Alla ! Alla ! Alla! “. “Waaka hadlay quraan halagu akhriyo” quraan baa reedhyowgii lagu akhriyey ugu danbeyntiina  waa la gubey bahalkii iyadoo dadkii soomaalida ay mucjiso iyo yaab ku noqotay birtan hadlaysaa.

 

* Sannadkii 1942-kii ayaa idaacadda rasmi ahaan loo furey waxaanay idaacaddani noqotay, idaacaddii ama war-baahintii ugu horaysay ee af-soomaali ku hadasha waxaana furtay dawladdii Ingiriiska ee xilligaasi Somaliland maamulaysay .

 

Xilliyadii hore wax laga sii deyn jirey idaacadda  Gabayo,heellooyin,maah-maahyo, Ogaysiisyada maamuladii Ingiriiska ee wakhtigaasi u jeedinayaan dadweynihii reer Somaliland,siyaasaddihii dawladda Ingiriiska iyo maamulkii u qaabilsanaa Somaliland iyo weliba sharciyada lasoo saaro ee la faafinayo; Taariikhda qaybaha siyaasadda iyo juqraafiyada boqortooyadii Ingiriiska  iyo maxmiyadihii ay xukumi jirtey .

 

* Sidaasi oo ay tahay Intii hore warar lama haahin jirin ,iyadoo markii la bilaabay baahinta wararka la sheego in warkii ugu horeeyey ee idaacadda ka baxaa uu ahaa “Roob ayaa Ceerigaabo ka da’ay waxaana ku dhintay laba neef oo riyo ah”.

 

* Qofkii ugu horreeyey ee ka hadlay ayaa ahaa AHN Xaaji Cabdi Ducaale Ileeye(Xaaji Cabdi Ayuub) oo isagu mar labaad nasiib u yeeshay inuu noqdo qofkii ugu horeeyey ee codkiisu ka baxo markii la bilaabay laanta af-soomaaliga ee BBC-da .

Waxaana xilligaa reedhyowga xaruntiisu ahayd xarunta Taar-dheer ee kasoo hor jeeda cusbitaalka guud ee  magaaladda Hargeysa.

 

Lasoco

Leave a Reply