Xaaladda Abaarta oo Gaadhay in Dugaagga iyo Dadku Weelka Biyaha ku Dagaalammaan: Warbixin Bahda Dawan

0
568

Boorama(Dawan):- Guud ahaan dalka Somaliland waxaa ka jirta abaar baahsan oo ku saddex jirsatay isla markaana gaadhay heer ay dadka iyo dugaaggu isugu yimaadaan weelka biyaha ee guryaha miyiga loosoo dhaamiyay aroor dheer ka dib.

Wariyeyaal ka tirsan wargeyska Dawan oo  socdaal shaqo ugu baxay gobolka Awdal ayaa xaaladda abaareed ee deegaano  hoos taga Degmada Boorama ee Xarunta gobolka Awdal ka diyaariyay warbixintan.

Guud ahaan marka aad Hargeysa dhanka galbeed uga baxdo waxay indhaagu qabanayaan dhulkii cagaarnaan jiray xilligan  oo kale ee raxmaadka Gugu marka uu helo dhul beereed iyo dhul daaqsimeedba indhuhu ku negaan jireen ood mooddo in koolkaani ka qarxay isla markaana  dhulku uu gubtay.

Deegaanadu abaarta way ku sii kala daran yihiin meelaha indhuhu ay ka soo boodayaan ee xaaladda dad iyo duunyoba ay haliska ku jiraan waxaa ugu sii daran marka laga bilaabo Kalabaydh illaa laga gaadhayo duleedka Boorama waxaa  ka jirta xaalad  biyo iyo baad la,aan ah oo nolosha dadku ay halis ku jirto isla markaana duunyo warkeedu hadhay loona baahan yahay in dadka iyo duunyoba in loo gurmado.

Qaar ka mid ah dadweynaha xoolo dhaqato beeralayda ah ee deegaanka Daray Macaane ee degmada Boorama oo ka mid ahaa deegaanada aanu socdaalka shaqo ku soo marnay ayaa qaylo dhaan ba,an ka dhawaajiyay isla markaana sheegay in dugaaggii iyo dadkii in ay isgu yimaadeen weel biyoodkii guryaha loosoo dhaamiyay isla markaana meelo durugsan loogu arooray.

Waxaa kale oo ay ka hadleen sida loogu baahan yahay in la soo kala gaadho dadka iyo dugaagga abaartu isu keentay.

Ibraahin Geeddi Warsame guddoomiyaha deegaanka Daray Macaane oo aanu ka waraysanay xaaladda abaareed ee deegaanka Daray Macaane ayaa sheegay in deegaankoodu ahaan jiray xilliyadan oo kale dhulka ugu Barwaaqaysan laakiin muddo saddex sano ahba abaar ba,ani ay ka taagnayd isla markaana soo guurto badani na ay ku soo hayaantay taasina ay sababtay in uu nabaad guuro oo beerihiina ay ba,aan dhulkiina uu xaaluf aan hore loo arag uu noqdo taasina ay sababtay in xoolihii iyo beerihiiba in ay meesha ka baxaan isla markaana imika nolosha dadku ay halis ku jirto.

Waxaanu ka dhawaajiyay in dadkii iyo dugaaggii buuraha ku noolaa in ay iskugu yimaadeen weel biyoodkii loo soo dhaamiyay guryaha ee loo arooray. Oday Ibraahin oo xaaladda  abaareed eek a Taagan deegaanka Daray Macaane ka hadlayayna waxaa uu yidhi. “Wax aan hore noogu dhicin ayaa na soo maray oo 2018-kii waxaa nagu dhacay Sunaami oo ceelashii aanu biyaha ka heli jirnay siday sunaamigu nooga aastay ayay u aasan yihiin,waxaa noogu biirtay abaar saddex jir ah oo gu iyo jiilaal isugu bixisay,markaa waxaan leeyahay arrintaa il dheer haloo yeesho oo dadka iyo duunyadaba halla badbaadsho.

Xilligan waxay ahaan jireen dadka xoolo dhaqatada ahi xilligii ay caanaha dur duuran jireen maantana xoolaha wixii dhalay way naga bexeen dadkiina way ku daba jiraan maamulka heer gobol iyo xukuumad iyo ganacsatoba waxaan ka codsanaynaa in dadka loo soo gurmado oo la  badbaadiyo.”

 

 

 

 

Waxaa kale oo isna goobta ka hadlay oo aanu kula kulanay isuduwaha wasaaradda deegaanka iyo is bedelka Cimilada gobolka Awdal Cabdiwahaab Xuseen Muumin oo kormeer ku tegay deegaanka Daray Macaane.

Waxaanu ka hadlay xaaladda abaareed ee deegaanka iyo gobolka Awdal ba ka jirta iyo sida loo kala badbaadin karo dadka iyoo dugaagga isugu yimi weel biyoodka guryaha yaalla. Waxaanu yidhi. “ Waxaanu ku jirnay kormeer aanu ugu  kuur galaynay xaaladda nololeed ee dad iyo duunyo ee deegaano hoos taga gobolka Awdal,imikana waxaanu ku sugannahay deegaanka Daray Macaane  oo hoos taga degmada Boorama,wa dhulkii ugu barwaaqada badnaan jiray oo imika ay ka taagan tahay xaalad abaareed oo dad iyo duunyaba taabatay isla markaana noloshooda  saamayn ku yeelatay, ujeedada ugu weyn ee aanu u soconay waa in aanu ogaano xaaladda deegaan ee goobaha aanu marayno sababtoo ah mar kasta oo deegaanka is bedel ku yimaado waxay taabanaysa nolosha dadka iyo duunyada deegaanka dadka iyo duunyaduna waa isku nool.

Marka ay roob yaraani dhacdo ama is bedel cimilo ay timaado sida imika oo kale oo xilligan oo kale waa goortay ugu barwaaqaysnaan jireen deegaanadan imikana abaar baahsan ayaa ka jirta waana is bedel cimilo oo ka yimi dhanka roobka waxaana jirta abaar ku laba ama saddex jisatay imikana xagaa ayaynu galnay waxay roob gu helnayna waabu koobnaa oo lama odhan karo roob gu ayaynu aragnay guud ahaan Somaliland xaalafu ba,an ayaa jira xoolihiina aad ayay u jilicsan yihiin waxna waabay bexeen,waxaa kale oo aanu arkaynay daanyeerkii oo weelkii biyaha ee xaafadaha iyo guryaha yaallay xoog ku qaadanaya oo dadkii iyo daanyeerkii ay biyihii ku dagaalamayaan,markaa abaartani waa mid dadkii iyo calafkii xoolahaba saamaysay,markaa waxaan bulshada reer Somaliland ee gacanta wax ku haysa aan usoo jeedinayaa in aynu u gurmano dadkeena inta aynu wax kale ku mashquulsannahay ayay dadkii iyo duunyadiiba halis ku jiraan,dadkeenii miyiga xoolohii way ka bexeen haddii ay xoolohu ka wada baxaanna iyaguna halis ayay ku jiraan innga iyo iyagubana halis ayaynu ku jirnaa markaa dadkeena miyiga aynu u gurmano.”

Isuduwe Cabdiwahaab ayaa intaa ku daray in loo  baahan yahay in la xidho biyaha buuraha ka soo dhacaya si loo laka  badbaadiyo dadka iyo dugaagga isugu imanaya weel biyoodka.

 

“deegaanka oo aynu illaashanaa waxa uu ka qayb qaadanayaa in aynu roob helno markaa dhulka aynu ilaashano geedaha aynu illaashano dhuxulaysga dhirta aynu ka dayno oo deegaanka wanaaagiisa aynu ka shaqayno markaas ayaynu deegaan barwaaqo ah ku noolaan karaynaa reer miyigana waxaan si gaar ah ugula dar daarmayaa in ay dhirta illaashadaan oo aan dhulka la nabaad guurin dhuxul na aan laga shidin,waxaa kale oo aan ka hawl gali doonaa sidii loo heli lahaa biyo qabatino buuraha laga sameeyo oo dugaaggu ay ka cabbaan oo dadka iyo dugaagga kala badbaadiya.”

Xubin ku hadlayay ururka maxaliga ah ee ADAL CCS oo ah urur ka shaqeeya deegaanka iyo is bedelka Cimilada oo Daray macaane aanu kula kulanay oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in xaaladda abaarta deegaaanka ka jirtaa in ay tahay mid aad u daran isla markaana loo baahan yahay in si wada jir ah looga wada gurmado dadkana la badbaadiyo.

Xuseen Cumar Xasan oo ku hadlayay afka Ururka ADAL CCS ayaa yidhi. “ujeedada socdaalkayagu waxay ahayd in aanu u kuur galno abaarta ba,an ee deegaanka Daray macaane ku dhufatay iyo guud ahaan Somaliland gaar ahaan gobolka Awdal deegaankan abaar keliya maaha dhibaatada ka jirta laakiin waxaa halis isku haya imika dugaaggii iyo dadkii oo biyihii isku dilaya xaafaduhu haysteen,waxaanan guud haan umadda reer Somaliland iyo xukuumada ba u soo jeedinaynaa in dadka abaartu ku dhufatay in loosoo gurmado,dhinaca kale ka urur ahaan waxaan ka shaqaynaa deegaanka iyo is bedelka cimilada waxaana noo qorshaysan in aanu daraasado ka samayno sidii dalka loo dhirayn lahaa isla markaana looga hir tegi lahaa wax kasta oo isbedel dhanka xun ah ku keenaya deegaanka iyo cimilada.”

 

Dhinaca kale waxaa iyaguna halkaa ka hadlay dadweynaha deegaanka Daray Macaane oo ka dayriyay xaaladda nololeed ee dad iyo duunyo iyo beero bae e ay xilligan ku sigan yihiin isla markaana dalbaday in gurmad deg deg ah lala soo gaadho.

 

Leave a Reply