“Waxaanu ku Heshiinay In Biilasha Laydhka Bisha May lagu Bixiyo sidiii hore,” Guddoomiye Cadare

0
368

Hargeysa-(Dawan):-Gudoomiyaha Komishanka Tamarta Mudane. Axmed Faarax Cadare ayaa shaaca ka qaaday in bisha May biilasha laydhku qiimihii hore lagu bixin doono, bulshadana  ugu baaqay in xukuumadu u maqan tahay oo  ay ka warsugaan.

Kulan shalay lagu qabtay Wasaaradda Tamarta oo uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Macdanta iyo Tamarta,  Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, masuuliyiinta Komishanka Tamarta.

Guddoomiye Cadare oo kulankaa warbaahinta kala hadlay waxyaabaha la isla qaatay,ayaa sheegay in bisha May qiimihii hore lagu bixin doono laydhka, waxaanu yidhi,

“Maadama sectarka Tamarta horumar lagu samaynayey qeybta labaad ee aanu ilaalino waa macaamiisha ama mujtamaca. Xukuumadu waxay mashaarciida la sheegay ee Tamarta u maalgelinaysa shirkadaha laydhka waa in bulshadu hesho tamar la isku halleyn karo oo la awoodi karo.”

Dhinaca kale waxaa isla shalay kulan lagaga hadlayay arrinta korodhka qiimaha laydhka lagu yeeshay wasaaradda arrimaha gudaha,kulankaas oo uu guddoominayay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Mudane  Maxamed Kaahin Axmed.

Waxaana ka war bixiyay Guddoomiyaha Komishanka Tamarta Mudane Cadare,waxaanu yidhi .“korodhkii qiimaha laydhka sidaa ayaa lagu hakiyey, Waxaanu ku heshiinay In biilasha laydhka bisha May lagu bixiyo sidiii hore, biilashii khaladka u baxayna la sixi doono. Shacabku waxay sugayaan waxa ka soo baxa shirka maalinta sabtida, qaran ayeynu nahay, cidna cid kama maaranto,  marka la isla eego, maxaa la kordhin karaa, oo go’aankeeda ku dhawaaqista ay xukuumadu leedahay, loona igmaday Komiishanka Tamarta, Sabtida ayaa loo ballamay.

Gudoomiyaha Komiishanka Tamarta Axmed Faarax Cadare ayaa sheegay in shirkadaha Laydhku adeeg siiyaan bulshada, cadowna aan la isku ahayn, isla markaana aan loo baahnayn in la inanga dhex faa’iideysto oo buuq la kiciyo iyo wax aan jirin, waxaanu yidhi,

“Duruufo adag baa jiray oo inna soo maray, abaaro, caabuqa COVID, suuqii ugu weynaa waa kii dabku baabi’iyey, Ilaahay baa farajka fura, yaan la niyadjabin, ama la moodin in shirkadahii laydhka, komiishanka tamarta iyo xukuumadu is-hayaan? Qofkii rabshado kale wada hay’adahii amaanka ayaa la xisaabtami. Bulshada waxaan leeyahay xukuumadu way idiin maqan tahay, oo iyada shirkadaha laydhka idiin dhexeysa, ka war suga.

 

 

Leave a Reply