Boorama(Dawan):-Jaamacadda Elo oo ku taalla Xarunta Gobolka Awdal ee Boorama,ayaa soo saartay arday ku hubaysan aqoon dalku baahi u qabay isla markaana buuxisay kaalin waxbarasho oo bannaanayd.
Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Elo Eng Maxamed Haaruun,ayaa faah faahin ka bixiyay jaamiciyiinta ay dalka u soo saareen tayadooda aqooneed iyo cilmiyada sida gaarka ah baahida loogu qabay ee aan jaamacadaha dalka lagu dhigan jirin ee ay Jaamacadda Elo dalka ka bilawday iyo kaalinta ay ka qaateen horumarka dalka.
Waxaanu intaa ku daray in ujeedada Jaamacadda Elo loo aasaasay in aanay ahayn ka ganacsi waxbarasho balse ay ahayd baahi aqooneed oo dalka ka jirtay oo ay arkeen dhallinyaro aqoonyahanno ah oo qurbaha ka soo noqotay.
Jaamacadda ELO Borama ayaa soo saartay Injireeno iyo aqoonyahano dhanka Macdanta ku takhasusay oo kaalin muuqata maanta kaga jira hormarka dalka.
Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda ELO Eng Maxamed Haaruun Waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xafiiskiisa Boomara ku siiyay wargeyska Dawan.
Eng Maxamed Haaruun oo ka hadlayay aasaaskii Jaamacadda ELO,kaalinta aqooneed ee bannaanayd ee ay Buuxiyeen,ayaa yidhi. “Jaamacadda ELO waxaa la aasaasay 2007-kii maantana way qaan gaadhay,waxa lagu aasaasay iyada oo buuxinaysay door madhnaa oo waxbarasho oo dalkeenna Somaliland aad muhiim ugu ahaa,waxaa lagu bilaabay saddex kulliyadood oo laba ay muhiim ahaayeen,labadaa kuliyadoo oo kala ahaa sivil Enginering ka iyo Kumbiyutar sayniska oo aan iyaduna dalka ka jirin markii dufcadihii ugu horreeayay ay qalin jabiyeen ee waxqabadkoodii dalka ka hillaacay lana arkay tayadooda,gobolkana ay wax badan ka bedeleen tiknoolajiyadii iyo nashqadayntiiba ayay jaamacaddu dib isugu noqotay.”
Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda ELO oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray kana hadlay kuliyado kale oo dalka muhiim u ahaa oo ay soo kordhiyeen,waxaanu yidhi. “Waxaanu sanadkii 2013-kii aanu soo kordhinay saddex Kuliyadood oo iyagana muhiim aanu u aragnay, oo ay ugu muhiimsanayd, Kuliyada barashada culuumta la xidhiidha dhulka waa ‘Geology’ oo gobolkan aanu deganahay maadaama uu yahay deegaan ay ku badan yihiin macdantu oo cid ka faa,iidaysanaysaa aanay jirin, waxa aanu nidhi sidee shaqo loogu abuuri karaa bulshadan shaqo la,aantu daashatay ilayn muhiim maaha in qof kasta oo Jaamacad ka qalin jabiyaa in uu dawlad u shaqo tago, sidee iyagu dad naftooda anfici kara oo wax u tari kara dalkana wax gaadhsiin kara ay usoo baxaan side u heli kartaan taasi ayaa keentay in aanu cilmigii Beerahana ku soo darno, cilmigii kale ee dhulkana ku soo darno oo aanu nidhi bal dad iskood wax u qabsan kara hala helo.
Hadana waxaanu ku soo darnay caafimaadkii nuddo ka dib markaa imika guud ahaan Jaamacada waxaa ka baxa sideed iyo toban kuliyadood oo digrii ah iyo shan borogaraam oo Dibloma ah iyo lix borogaraam oo Master ah.”
Mar uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay sida ay Jaamacad ahaan u eegaan ardayda danyarta ah ee aan awoodi Karin in ay heer Jaamacadeed u gudbaan marka ay digsiga sare dhammaystaan,ayuu yidhi. “Jaamacadda ELO uma aasaasna lacag in ay dadka ka hesho laakiin waxay u aasaasan tahay in ay bulshada baahideeda daboosho oo ay umadeeda waxtarto waxaanan caddaynayaa in aanay waxbarasahdu lacag ahayn ama ahayn meel lacag loo doonto oo laga ganacsado laakiin waa adeeg umadda loo qabto oo wax loogu taro,waxaana Jaamacadda Elo kuliyadeheeda kala duwan dhigata horena uga aflaxay arday badan oo kala duwan oo danyar qoysaskoodu yihiin isla markaana aanu ka saacidnay dhanka fiiga ardayda laga qaado ee ay awoodi waayeen guud ahaan Jaamacadduna lacag doon maaha ee waa in ay umadda u buuxiso kaalin bannaan oo waxbarasho.”