Agaasimaha Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS oo ka Hadlay Xaaladda Xannuunku Dalka ka Marayo

0
371

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa(Dawan):- Agaasimaha Fulinta komishanka Xakamaynta HIV/AIDS. Axmed Cabdi Ismaaciil,ayaa ka hadlay xaaladda xannuunka HIV/AIDS uu dalka ka marayo isla markaana ka digay in takoor iyo faquuq lagula koco dadka la nool xanuunka HIV/AIDS ka si aanay u dhicin in uu dalka ku sii faafo cudurku.

Waxaa kale oo uu agaasime Axmed uu ka hadlay xeerar ay curiyeen oo ay dhawaan goleyaasha xukuumadda iyo wakiilada u gudbin doonaan oo suura gelin doona in la illaaliyo xuquuqda dadka xanuunka la nool isla markaana lagaga hor tegayo in cudurku faafo.

Geesta kale waxaa uu bulshada usoo jeediyay in ay ogaadaan in aan cudurka HIV/AIDS ku ahayn dilaa isla markaana uu ka mid yahay xanuunada lala noolaan karo kana fudud yahay cuduro badan oo aan looga sasin sida HIV-ga looga saso.

Agaasimaha ka hortagga iyo xakamaynta HIV/AIDS waxaa kale oo uu intaa raaciyay in ay wadaan qorshe ay doonayaan in lagaga maarmo dawooyinka hay’adduhu innagu caawiyaan ama lagaga hir tago in dawooyinka dadka cudurla la nool la siiyo in aan kala go, ku iman isla markaana miisaaniyadda qaranka lagu daro in dawooyinkaas in qaranku soo iibsado.

Dhinaca kale waxaa uu aad uga dayriyay xaaladda ay ku nool yihiin dadka cudurka la nool oo bulshada kala kulma faquuqyo kala duwan sida in guryaha laga kirayn waayo in shaqada ay xaqa u leeyihiin ee ay imtixaanka u galaan in aan la siinin iyo in aan ubadkuudu wax barasho helin.

Waxaanu sheegay in ay gacanta ku hayaan xeerar noloshooda lagu badbaadinayo isla markaana wax ka qabanaya caqabadaha ay bulshadu ku hayso dadka xanuunka la nool.

Agaasime Axmed waxa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xafiiskiisa ku siiyay wargeyska Dawan.

Ugu horrayn agaasimaha oo ka hadlaya xaaladda cudurka ee dalka uu ka marayo,ayaa yidhi. “ Xaaladdu waa xaalad u baahan dedaal isla markaana aan hoos u socon eek or u socota isla markaana ay jiraan waxyaabo badan oo saamayno fara badan ku leh oo haddaynaan kuwaa wax ka qaban aynaan marnaba guul ka gaadhayn xanuunka xakamayntiisa,markaa dedaalka aan wadno iyo rejada  iyo isu tagga iyo wax wada qabsiga mooyaan e xannuunkaasi kor buu u socdaa bulshada reer Somaliland na dhib ayuu ku hayaa hadday tahay dadka la nool xannuunka iyo hadday tahay dadka kaleba, bulshada inta xilkaska ah iyo inta aqoonta u lihiba aad ayay u dareemayaan dhibaatadiisa,”

Agaasime Axmed oo ka hadlayay xaaladda abaarta,faafitaankii Koroonaha iyo dagaalka Yugrayn oo is barkaday saamaynta ay ku yeesheen dadka xannuunka la nool,waxaa uu yidhi.  “Marka ay xaalad caam ahi timaado way caam yeeshaa dadka oo dhan,dadka nugul na si gaar ah ayay u sii taabataa ama ay noloshooda saamayn ugu yeelataa annagu ka komishan ahaan illaa hadda inta aanu ognahay,abaaraha iyo koroonaha iyo xaaladaha soo noq noqday ee soo kordhay saamayn gaar ah ayay ku leeyihiin dadka xannuunka la nool iyo annaga komishan ahaan oo shaqadayadii iyo ciddii nala shaqaynaysay ay naga mashquuleen  oo xaaladahaasi ay keenaan in aanu kala fogaanay,markaa taasina waxay keentay in wacyi gelintii ay hoos u dhacday,dedaaladii badnaa ee aanu wadnay in ay hoos u dhacaan dadkii xannuunka la noolaa in ay dhaqaale ahaan hoos u dhacaan,xannuunada qaarkood u sii nuglaadaan,caawimadii iyo daryeelkii la siin jiray isna hoos ayuu u dhacay.

Waxaa kale oo ay u badan yihiin dadkani dad shaqooyinkii laga xannibay oo lagu hayo faquuq,taasina ay ku keentay qofkii in uu bulshadii six or ah ugu dhex noolaan waayo,markaa qof aan loo ogolayn in uu ganacsado oo la faquuqayo isla markaana aan helayn daryeel uu ku noolaado xaaladdiisa mololeed sida ay noqonayso qof kastaa wuu dareemi karaa sida ay noqonayso.”

Mar uu ka hadlayay xeerar ay sameeyeen oo suura gelinaya in  dadka xanuunka la nool xuquuqdooda la illaaliyo isla markaana lagula xisaabtami karo iyaga laftooda qofka ay ku caddaato in uu si badheedh ah xannuunka bulshada ugu gudbinayo,waxaa uu yidhi. “waxaanu samaynay laba xeer oo midna uu yahay siyaasaddii guud ee lagu shaqaynayay midna uu yahay kii lagu maamulayay ama lagu dhaqayay dadka xannuunka la nool noloshooda, waxaanan dhawaan u gudbin doonaa xukuumanadda si ay golaha wasiiradu uga doodaan ka dibna golaha sharci dejinta ugu soo gudbiyaan, xeerkaasi wuxuu suura gelinaya in qofka xannuunka la nool uu ka hor tago in lagu tacadiy ama lagu faquuqo xannuunka oo uu shaqo ku waayo ama u ganacsan kari waayo waxaanu ka wada shaqaynaynaa wasaaradaha caddalaadda iyo arrimaha bulashada oo labaduba ka mid ah komishanka waxaa kale oo aanu doonaynaa in aanu arrinta ka wada shaqayno ururka qareenada markaa waxaan wadnaa qorshihii aanu kaga hor tegi lahayn in dadka la faquuqo ama cadaawad lagu beero taasoo sabab u non karta in cudurku sii faafo.”

Agaasimaha fulinta komishanka xakamaynta HIV/ADS oo ka hadlayay qorshe ay ku doonayaan in dawooyinka dadka xanuunka la nool la siiyo,ayaa yidhi. “ waxaanu wadnaa qorshe ah in miisaaniyadda qaranka lagu daro qarash lagu soo iibiyo dawoyinka la siiyo bukaanka isla aynaan ku tiirsanaan dawooyinka la inagu caawiyo si haddii ay dhacdo in dawooyinku innaga kala go,aan aanay dadkeenu u waayin dawooyinka ay qaataan.” La soco qaybo kale oo ka mid ah waraysigan.

Leave a Reply