Maaraynta Nolosha Wanaagsan!

0
421

Waa jir dad ay adag tahay inay saameyn ku yeelato dabeecadaha dadka khariban ee ku hareeraysan, waxay awood u leeyihiin inay kontaroolaan fikirkooda, hadalkooda iyo dhaqankooda intaba.

Waxa jira dad hadaf  u samaysta arrin kasta oo ay ku dhaqaaqaan, uma qabtaan howlahooda hadaf la’aan.

Nooc dadka ka mid ahi waxa uu aqbala dadka dabeecadaha dadka kale haduu dabeecad xun yahay iyo haddii uu wanaagsan yahayba. Waana uu la dhaqmi karaa.

Waxa dad isu dheelli tira danahooda shakhsiga ah iyo danta guud, iyagu wax kasta islam jecla , waxa ay jecel yihiin inay dantooda ka dhex arkaan danta guud.

Nooc kale oo Dadka ah ayaa  dulqaadkoodu badan yahay, howl kasta oo ay qabanayaan kama muuqato degdeg, waxa dhici karta inay gacan culus iyo raajin leeyihiin, laakiin waa dabci ku dhisan ka fiirsi, daganaansho iyo adkaysi oo aanay hawshu waxba yeelayn.

Dadka qaarkood ayaa caqabad kasta oo nolosh ah oo soo waajahada si fudud u maarayn kara iyagoon dareemin murugo iyo niyad jab midna.

Leave a Reply