Dawarsade Dhar Dahab Ah Xidhan

0
421

Qisaska Carbeed Iyo Amaanta!

Markii uu Nasrudiin oo ah suufi Carbeed oo xikmad badan ayaa magaalada Baqdaad yimi waxa uu xidhnaa cumaada aad qaali u ah oo ka mid ah kuwa ay xidhaan Madaxda sare, laakiin haddana waxa uu bilaabay inuu dawarsado.

Booliiska ayaa qabtay oo xidhay , ka dib markii ay yaabeen ninka xidhan Cumaamada qaaliga ah ee madaxda gaarka u ah ee haddana isagu dawarsanaya.

Markii suldaanka loo geeyay, ayuu aad ula yaabay isaguna dawarada iyo cumaamadda u xidhan yahay, waxaana uu ku yidhi: “ Waa imisa qiimaha cumaamadam aad xidhan tahay?

Nasrudiin ayaa markiiba ku jawaabay waa 500 lacagta Qadaadiicada dahabka ah.  Ayuu ku jawaabay suufigii xikmada badanaa.

Kaaliyaha suldaanka ayaa hadalkii boobay oo yidhi: “ ma dhici karto cumaamadan in qiimahan ay tahay”.

Suufiga Nasrudiin ayaa yidhi : “ Anigu halkan umaan iman inaan dawarsado waxaan u imi inaan ganacsi ka sameeyo , cummaadaan anigaa yaa qiimahaasi soo siistay waayo waxaan ogaa dunida oo dhan inuu jiro suldaan iga siisanaya 600 lacagta qadaadiicad dahabka, waxaana aan doonayay inaan 100 faa’iidada ah ee dheer aan siiyo masaakiinta ku noola deegaanka.

Sulaadanka ayaa markii uu amaanay siiyay 600 ee sheegay.   Markii uu ka baxay ayay debeda ku kulmeen kaaliyihii waxaana uu ku yidhi Nasrudiin: “ Adigu kaaliye waxa laga yaab in aad ogtahay qiimaha cumaamadan, laakiin anigu waxaan ogahay sida xeesha dheer ee waxa aan wabxa tari boqor ama suldaan  loogaga qaado lacag badan “ . Weligaa ha jeclaan in lagu amaano waayo waxay rabaan ayaa ka weyn waxa ay sheegayaan

Leave a Reply