Tallaabo Kasta Ma Xaqiijiso Yoolkaaga!

0
356

Arday sanadkii ugu danbeeyay ee dhamaadka waxbarashadiisa ku jira ayaa macalinkiisa oo ay aanay hore isugu wanaagsanayn u yimi,  isagoo doonayay in uu muujiyo in aanu macalinku ahayn mid fikirkiisu ballaadhan yahay, isla markaana yy halkaa ka curiyo xikmad cusub.

Ardaygu waxa uu gacanta ku siday shimbir uu soo qabtay waxaana uu ku yidhi macalinkiisa:

“ Macalin shimbirkan aan gacanta ku hayaa miyuu nool yahay mise wuu dhintay ? ”  Qorashaha ardayga ayaa in haddii uu macalinku ku jawaabo  wuu dhintay in uu gacantiisa kala furo oo sii daayo. Haddii jawaabtu noqoto waa nool yahayna, oo gacmihiisa ku cidhiidhyo oo u dhinto.

Laakiin macalinka oo aad u maskax badan isla markiibna fahmay ujeedka ardaygs ayaa ku jawaabay: “ Ardayga qaaliga ahow , shimbirkan noloshiisa iyo dhimashadiisu adiga ayay kugu xidhan tahay “ .

Haddaba shimbirta waxa badbaadiyay jawaabta xikmadda ah. Sidaasi ayay jawaabtu wakhtiyo badan u badbaadisa amd u burburisaa nolosha noolayaal badan. Tallabo kasta ma keento guul, weedh kastaana ma xaqiijiso hadafkaaga.

Leave a Reply