Ninka Siyaaasiga Ah Ee Wax Doonayaa Waa in uu Ilaaliyo Danta Qaranka”

0
227

Hargeysa( Dawan) Xildhibaan Cabdixakiim Cumar Faarax Budeeye oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa usoo jeediyay shacabka Somaliland in ay Nabedgalyada ilaashadaan.

Cabdixakiim Cumar Faarax Budeeye ayaa waxa uu sheegay in looga baahanyahay in Siyaasiga wax ka doonaya dalka in uu ilaaliyo danta qaranka.

Cabdixakiim Budeeye oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxa aan shacabka Somaliland ugu baaqayaa in ay ilaashadaan Nabedgalyada oo meel jooga soo wada jeedo Shacab Xukuumad iyo Xisbiyadda Mucaaradka,Umadda waxa ay ku nooshahay ee Waxbarasho ku aadayso ee ku Ganacsanayso waa Nabedgalyada.wixii khilaafa ee Siyaasiya halagu dhameeyo Wadahadal heshiis wax aan ahayn oo wax lagu gaadhi karaa majiro.ninka siyaaasiga ee dalka wax doonaya markasta waa in uu ilaaliyo danta qaranka,”.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in doorkooda Golaha Guurtida ka qaadan doonaan hadii laga heshiin waayo Khilaafka ka taagan doorashooyinka.Waxaana uu yidhi”doorka aanu ku leenahay ayaanu ka qaadan doonaa hadii laga heshiin waayo Khilaafka jira,Golaha Guurtida qaranka ayuu ka mid yahay wax badana waa soo qabatay.qodobka Siyaasiga ee khilaaf ka jiro waa in laga heshiiyo,wixii sharciya oday iyo Habar kama garniqi karo xaqiiqdii sharci ayaanay ku dambayn doontaa oo loo raaci doonaa,”.

 

Leave a Reply