Wasiir Waxbarashada oo Talo iyo Waano u Diray Madaxda Asxaabta Mucaaridkan

0
210

Hargeysa (Dawan) Wasirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa madaxda asxaabta mucaaridka ugu baaqay in ay ilaaliyaan qiyamka ubadka waddanka u soo koraya, isla markaana ay ka daayaan hadalada xanafta leh ee ay dhagaha ugu ridayaan.

Toorno ayaa kula taliyay masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka Somaliland, in ay eegaan lexejexlada ay bulshadoodu u qabto, ee aanu muruqu shaqayne maskaxdu shaqayso, una tudhaan ubadka 40-ka kun ku dhaw ee u fadhiisanaya imtixaanka shahaahadiga.

Waxa uu talo ahaan u soo jeediyay haddii ay wax tabanayaan in sharciyada ay u maraan, sibu yidhi aanay ubadkeenu ugu barbarian in xoog iyo kala jiidasho wax lagu helo.

Waxaanu yidhi.“Asxaabta mucaaridka waxaan leeyahay ubadkeenu waa in ay inaga bartaan in caqligu uu shaqeeyo, oo maskaxdu ay shaqayso oo aanu muruqu shaqayn, waa in ay inaga bartaan in wanaag wax lagu xalinkaro haddii wax lagu kala duwanaado oo sharciga loo maro wixii aad tabanayso, oo aanay inaga baranin muran iyo hanjabaad iyo xoog iyo kaalaya soo baxay, waa in ay inaga bartaan dhaqan suuban”

Wasiir Toorno oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray.“Xisbiyada lexejecla inaga haysa, ganacsatada lexejeclo ayaa inaga haysa, cidda lexejeclada loo qabo waa in iyagana lexejeclada laga arko oo bulshadu u aragto madaxdoodii oo lexejeclo ka qabta, oo ka dayno hantadaada iyo hooyadan la dulmarayo iyada oo kildhi shaaha meel ku karinaysa,”

 

 

 

 

Leave a Reply