Shuruuda ugu Weyn ee uu Raheem Sterling ku Xidhayo Chelsea iyo Thomas Tuchel

0
298

Sida ay ilo-wareedyo kala duwani sheegayeen saacadihii ugu dambeeyay, Chelsea ayaa isku dayi doonta saxeexa garabka Manchester City ee Raheem Sterling.

Sterling ayaa xilli ciyaareedkii hore markale Premier League kula soo guuleystay City oo uu 47 kulan uga soo ciyaaray tartamada oo dhan balse ma ahayn mid markasta joogto ugu soo bilawda shaxda Pep Guardiola.

Sterling ayaa lala xidhiidhinayay heshiis uu kaga tagayo City waxaana kamida kooxaha xiisaha u muujinaya Chelsea. Warbixino kala duwan ayaa sheegaya in kooxo badan oo waaweyni qabaan dareenka ah in Raheem u furan yahay inuu Etihad Stadium xagaagan walow uusan isagu wali go’aan cad shaacin.

Sida uu sheegayo wargeyska The Sun, Chelsea ayaa 60 Milyan oo pound ku doonaysa saxeexa Sterling balse ciyaaryahankaas ayay muhiimadiisa koowaad tahay inuu macalin Thomas Tuchel ka xaqiijiyo inuu boos joogto ah helayo xilli ciyaareedka dambe.

Sterling oo City heshiis 49 Milyan oo pound ah ugaga yimid sanadkii 2015 ayaa doonaya inuu joogto u ciyaaro si uu kor ugu qaado fursadiisa uu England ugu meteli karo koobka aduunka ee November ka bilaabmaya Qatar.

Heshiiska uu ku joogo Etihad ayaa ah mid hal sano oo kaliyi ka hadhay taas oo ka dhigan in Sky Blues ay xagaagan iibin karaan si ay uga hortagaan inuu bilaash kaga tago xagaaga 2023.

27 sano jirkaas ayaa doonaya inuu door muhiim ah ku lahaado koox koobab u tartamaysa, bishii October ayay ahayd markii uu caddeeyay inuu uga tagi karo City sababtoo ah wakhti ciyaareedka uu helo.

Marka laga yimaado inuu 23 kulan oo horyaalka ah kusoo bilawday xilli ciyaareedkii hore haddana waxa uu keydka ku jiray kulamo muhiim ah sida labadii lugood ee Real Madrid afar dhammaadkii Champions League.

Sterling ayaa noqon kara saxeexa weyn ee xagaagan ee Chelsea ee uu taageerayaasha isku barayo mulkiilaha cusub ee Todd Boehly.

Leave a Reply