Madaxweynaha oo Kulan la Qaatay Ergada Shirka Beesha Degaanka Badhan

0
265

Ceerigaabo  (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ku joogay gobolka Sanaag, ayaa xalay kulan la qaatay ergeda shirkii beesha WARSANGELI uga socday gudaha magaalada Ceerigaabo muddada siddeedda maalmood ah.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo oo ay xubno ka yihiin guddoomiyeyaasha goleyaasha guurtida iyo wakiillada, xildhibaanno, qaar kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin iyo haldoor kale, ayaa ee caawa la kulmay ergeda shirka beesha WARSANGELI, ayaa ku dheeraaday sida qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhammi muhiimadda u siinayo shirka beesha WARSANGELI ee weli soconayo.

Ugu Horrayn, Suldaan Maxamed Cabdilaahi Cartan oo kamid ah salaadiinta Beesha Warsangeli oo madasha ka hadlay, ayaa madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo uga mahadnaqay sida ay shirka beesha usoo sharfeen ee weftiga miisaankaas leh ugu yimaadeen, waxana uu xusay inay taasi muujinayso ahmidda qaranku siinayo beeshan.

Guddoomiyaha guddida qaban-qaabada shirka beesha WARSANGELIN, Mudane Siciid Maxamuud Ismaaciil, ayaa isaguna madaxweynaha ku bogaadiyey sida uu xilka isaga saaray inuu wefti culus shirka ku yimaaddo, isaga oo intaas ku daray in shirkani yahay mid beeshu danaheeda iyo danta qaranka Somaliland-ba diiradda ku saarayso, meeshana lagaga saarayo wax kasta oo beesha tafaraaruq ku keenaya.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo kamid ah saldanadda ugu faca-weyn ee Jamhuuriyadda Somaliland, shirkana udub-dhexaad u ah, ayaa Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayoba ku bogaadiyey inuu shirka beesha ahmiyad gaar ah siiyey, wefti culusna ku yimi, waxana uu sheegay inay taasi caddayn u tahay sharafta iyo qaddarinta qaranku u hayo beeshan, salaadiinteeda iyo madaxdeedaba.

Wasiirka wasaaradda horumarinta reer Miyiga, Mudane Axmed Aadan Gurey, ayaa dhankiisa soo dhaweeyey shirkan iyo sida habsamida leh ee uu u socdo, waxana uu madaxweynaha uga mahadnaqay inuu shirka beeshani qabsanayso kala qaybgalo, isaga oo intaas ku daray inay xukuumaddu ahmiyad weyn siinayso beeshan WARSANGELI oo kamid ah beelaha waaweyn ee dhistay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isaguna soo dhaweeyey shirka ay beeshani isugu timi iyo sida ay aayaheeda uga tashanayso, isaga oo xusay inay beeshani kamid tahay beelaha qarankan tacabka badan gashaday ee dhibta iyo dheeftaba lasoo maray.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo shirka kelmado kooban ka jeediyey, ayaa xusay inay beeshani qayb weyn ka tahay qarannimada Somaliland, loona baahan yahay inay si mug leh uga qayb qaataan dhismaha qaranka, maankoodana geliyaan inay kaalmaha sare kaga jiraan beelaha dhistay dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay inuu ka guddoomiye ahaan bogaadinayo shirka beesha WARSANGELI, kuna faraxsan yahay in iyaga oo isu dhan inay maanta shir weyn oo muddo socday ku qabsadeen magaalada Ceerigaabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo ergeda hadal u jeediyey, ayaa si qoto dheer oo xog-ogaalnimo leh u sharraxay kaalinta ay beesha Warsangeli ku lahayd dhismaha Somalilanad, gumaysi la dirirkii iyo helidda xorriyaddii ay Jamhuuriyadda Somaliland ka qaadatay dawladdii Ingiriiska.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in beeshani weligeedba hormuud u ahayd helitaanka iyo xorriyadda iyo dhiskii qaranka Somaliland, isaga oo sharraxay qaar kamid ah kaalmihii beesha ee dhismaha qaranka,“Beeshan waxyaabaha shirkeeda looga soo qaybgalay waxa kamid ah waa beeshii dawladdii Ingiriisku isaga oo halgan ugu jira xorriyadda ay sagaal sanno oo xabsi mustaafuris ah la geliyey. Marka labaad markii gobonnimada la doonayey ee isticmaarku inuu tago la doonayey ciddii loo diray weftigii cadan lagula kulmay salaadiintii iyo waxgaradkii la socday hadalkii Somaliland xorriyaddeeda ku saabsanaa ciddii loo dhiibayna Warsangeli bay ahayd,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa ugu dambayntii bogaadiyey shirka beesha uga socda magaalada Ceerigaabo, waxana uu u rajeeyey inay kasoo baxdo natiijo danta beesha iyo midda qarankaba wax weyn ka tari doonta.

Shirka beesha Warsangeli ayaa weli ka socda magaalada Ceerigaabo, waxana la filayaa inuu dhawaan soo gebogeboobi doono, qodobbona laga soo saari doono.

 

 

Leave a Reply