“Shaqaalaha Dawladdu Waxay Baanka Dhexe Ka Qaadan Karaan Amaah ay Guryo Ku Dhistaan

0
536

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Md. Khaalid Jaamac Qodax ayaa kulan la qaatay Guddiga Dabagalka & Ilaalinta Hantida Qaranka ayaa sheegay inaanay gudashada waajibaadkooda cidna uuga habran, kuna shaqeeyaan saddex arrimood, daacadnimmo, sinnaan iyo cadaalad. Sida Ilaahay ku ogyahay.

Warbixin uu Gudoomiye Md. Khaalid u jeediyey guddiga ayuu ku sheegay in Hay’adda Shaqaalaha Dawladda la aasaasay sannadkii 1993-dii, oo Dastuurku jideynayo, waxaana masuuliyadeeda ka mid ah tababarka, daryeelka, xaqsiinta shaqaalaha dawladda, waxaanan ku shaqeynaa xeer 97/2022 oo dhowaan Golahu ansixiyey.

Gudoomiye Khaalid ayaa sheegay in Hay’addu abuurtay siyaasado kala duwan oo fududeynaya waajibaadka ka saaran shaqaalaha dawladda, kana mid yihiin, siyaasadda xeyndaabka kartida; siyaasada maaraynta anshaxmarinta shaqaalaha, siyaasadda maaraynta fasaxyadda, siyaasadda maaraynta cabashooyinka iyo tabashooyinka siyaasadda dalacsiinta shaqaalaha, iyo siyaasado kale.

Md. Khaalid oo ka hadlayey qorshaha fursadaha ka dhashay markii mushaharka shaqaalaha la mariyey Baanka dhexe ee JSL ayaa sheegay inay keentay fursad qofka shaqaalaha rasmiga ah uu lacag deny ah kaga qaadan karo Baanka dhexe, waxaanu yidhi,

“Shaqaalaha dawladdu waxay amaah ka qaadan karaan Baanka dhexe oo annagu (Hay’adda shaqaalaha) u saxeexno, ay guryo ku dhisan karaan, ku guursan karaan, iyadoo si fudud deynka mushaharkooda looga jarayo.”

Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa sheegay inay ku guulaysteen joojinta qaadashada shaqaale ku-meel-gaadh ah dhamaan Wasaaradaha dalka, marka laga reebo laba Wasaaradood ee Caafimaadka & Waxbarashada oo dabeecadda ay ku shaqeeyaan ka duwan tahay kuwa kale.

Md. Khaalid oo ka hadlayey hanaanka ay u maraan eriga shaqaalaha ayaa sheegay inaanay aqbalin qoraalada Wasaaraddahu ka soo gudbiyaan shaqaale ay eryeen, isla markaana jiraan shaqaale badan oo dib ay shaqadoodii ugu celiyeen waxaanu yidhi,

“Waxa jira shaqaale badan oo dib aanu shaqooyinkoodii ugu celinay,, halka qaarkood aanu ku waafaqno, halka aanu kuwo kale bedel wasaaradeed u samayno.

Waxuu Gudoomiyaha shaqaalahu bogaadiyey mashruuca shaqo qaran ee Madaxweynaha JSL Md. Muuse bilaabay oo u sheegay inay si daahfurnaan ah u qeexaysa hanaanka shaqaalaha qaranku ku imanayaan, iyo inuu go’aan cad ka soo saaray in Wasaaradaha & Hay’adaha Qaranku joojiyaan qaadashada shaqaale ku-meel-gaadh ah.

Gebagabadii kulan oo su’aalo kala duwan ku weydiiyeen Guddiga Dabagalka & Ilaalinta Hantida Qaranka ayuu jawaabo ka bixiyey.

Gudoomiyaha Guddiga Dabagalka & Ilaalinta Hantida Qaranka Xildhibaan Mustafe Kheyreeye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay kulan is-xogwareysi la yeesheen Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Md. Khaalid Jaamac Qodax

 

 

Leave a Reply