Real Madrid oo Shaacisay inuu ka Tegay Halyeygeedii Difaaca ee Marcelo

0
371

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in uu ka tegay kabtankeedii Marcelo, kaddib 16 sannadood oo uu ku qaatay Santiago Bernabeu oo uu guulo waaweyn la gaadhay.

Marcelo oo sannadkii 2007 ay Real Madrid kala soo wareegtay Fluminense ayaa loo aqoonsan yahay ciyaartoygii ugu guulaha badnaa taariikhda Real Madrid, waxaanu la qaaday 25 koob oo ay ku jiraan shan Champions League iyo lix horyaal oo LaLiga ah.

Dhamaadka bishan aynu ku jirno ee June ayuu ku egyahay heshiiskii uu kula jiray Real Madrid, waxaanu ku bixi doonaa xor iyadoo aad  loola xidhiidhinayo kooxo badan oo Yurub ah oo ay ku jiraan Fenerbahce  iyo Marseille.

War-saxaafadeed ay soo saartay Real Madrid ayaa lagu yidhi: “Real Madrid C. F. waxay shaacinaysaa, in berri oo ah Isniin 13 June, 1da duhurnimo, in xaflad xagootin ah loo samayn doono kabtankayaga Marcelo taas oo uu agaasimay Madaxweynaha kooxda Florentino Perez.

“Xafladdan, Marcelo ayaa kala hadli doona warbaahinta Real Madrid City.”

Marcelo ayaa la filayaa in Real Madrid ay u samayso xagootin la mid ah middii Iker Casillas iyo Sergio Ramos, isla markaana uu booqan doono madaxafka ay ku kaydsan yihiin koobabkii uu ku guuleystay muddadii 16ka sannadood ahayd ee uu joogay Santiago Bernabeu, kuwaas oo uu ugu dambeeyey Champions League ay bishii hore kusoo qaadeen Magaalada Paris iyaga oo finalkii ku garaacay Liverpool.

Isugeyn, waxa uu Marcelo u saftay Real Madrid 545 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaanu u dhaliyey 38 gool iyo 103 uu caawiye ka noqday.

34 jirkan ayaa waqtigii uu yimid Real Madrid waxa uu beddelay Roberto Carlos oo ay waqti kooban kusii wada qaateen Bernabeu.

Leave a Reply