PSG oo Shaqada ka Caydhisay Mauricio Pochettino & Tabobaraha Beddelaya

0
337

Kooxda kubdda cagta Paris Saint-Germain ayaa burburisay heshiiskii ay kula  jirtay tababaraheeda Mauricio Pochettino kaddib 18 bilood oo ay hadal-hayn badan ka taagnayd mustaqbalkiisa oo uu ku sugnaa Parc des Princes.

Mauricio Pochettino oo ay da’diisu tahay 50 jir ayaa PSG u qaaday horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii tegay, hase yeeshee waxay meel xun kaga hadheen Champions League oo wareeggii 16ka ay Real Madrid ku garaacday iyaga oo haysta xiddigaha ugu wanaagsan dunida.

Mulkiileyaasha PSG ayaa go’aansaday in la burburiyo heshiiska Mauricio Pochettino oo shaqada laga caydhiyo, sida uu xaqiijiyey wargeyska The Athletic ee looga dambeeyo xogta ciyaaraha.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in la burburiyo heshiiskii u dhexeeyey, waxaanay hadda PSG isku diyaarinaysaa magacaabista tababarihii ay ku beddeli lahaa, waxaanay wada-xaajoodyo kula jiraan halyeyga reer France ee Zinedine Zidane oo mar la sheegay in uu u duulay waddanka Qatar oo uu heshiis kula soo gelayo kooxda.

Waxa kale oo liiska tababareyaasha suurtogalka ay tahay in PSG ay magacowdo ku jira  Jose Mourinho oo ah macallinka Roma iyo Christophe Galtier.

Waxa sidoo kale shaqada kooxda ka tegay agaasimihii ciyaaraha ee Leonardo oo uu beddelay Luis Campos oo ahaa shaqsigii dhisay Monaco waqtigii ay ku guuleysatay horyaalka Ligue 1 ee uu u ciyaarayay Kylian Mbappe, sidoo kalena sababta u ahaa in Lille ay si lama filaan ah horyaalka Ligue 1 ugu guuleysato.

Leave a Reply