Marwada Madaxweynaha oo Gacan ka Geysatay Qalabaynta iyo Dayactirka Cisbitaalka Dhimirka ee Hargeysa

0
353

Hargeysa-(Dawan):- Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Rooda Axmed Cumar,ayaa gacan ka gaysatay isla markaana taakulayn joogto ah la garab taagan cisbitaalka dhimirka ee caasimadda Hargeysa iyo bukaanka ku jira.

Marwo Rooda Yuusuf Nuur ayaa sheegtay in taakulaynta dadka xanuunka dhimirku haleelay ay tahay hawl kheyri ah oo ALLE SW ku garansiiyay  Marwada Madaxweynaha Rooda Axmed Cumar, iyaguna yihiin garbaheedii.

Waadhadhka dadka xanuunka dhimirka qaba ee cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo dib-u-habayn iyo dayactir lagu sameeyey, ayaa Marwo Rooda oo wax laga weydiiyey xilliga isbedelka la bilaabay, sheegtay inay shaqadan bilaabeen muddadii xukuumadda Madaxweyne  Muuse Biixi xilka haysay, waxaanay tidhi,

“Shaqadan waxaanu bilownay intii xukuumada Mudane Muuse xilka haysay, waxaana hormood noogu ah Marwada Madaxweynaha Rooda Axmed Cumar, waadhadhkan waxa ku jira illaa boqol qof oo rag iyo dumar ka kooban, markii ay goob nadaafad, dawo iyo dhakhaatiir, cunto saddexda wakhti ah ay heleen xaaladoodu aad ayey uga fiican tahay sidii hore,

Marwo Rooda oo hadalkeeda sii wadata ,ayaa intaa raacisay  “Xilligan marka laga yimaado dib-u-habaynta dhinaca hoyga iyo sariiraha, waxa kaloo aan u diyaarinay oo keyd u ah agabkii maryaha, hugga sariiraha, bustayaasha, iyo adeegyada kale lama huraanka u ah noloshooda.”

Marwo Rooda oo la weydiiyey inay jiraan dad bogsada oo ka baxa labada waadh, ayaa sheegtay in bil walba ugu yaraan 25 dumar iyo rag ah oo bogsadaan kana baxaan cusbitaalka, dibna ula midoobaan qoysaskooda, waxaanay tidhi,

“Dadkani dhibaato haleeshay ayaa u keentay xanuunka, laakiin Madaxweyne  Muuse xukuumadiisa, oon waxqabadkeeda muujin, waa waajib saarnaa oo ay ka soo baxday, oo weliba waa hawl adduun iyo aakhiro lagu liibaanayo, maadaama ay dad Ilaahay SW maankooda ka qaaday daryeelkooda u istaageen.”

Marwo Rooda oo ka hadlaysay waajibaadka Xukuumadda Madaxweyne Muuse ka saarnaa cisbitaalka dhimirka iyo siday uga soo baxday,ayaa tidhi.  “xanuunka dhimirku waa hawl kheyri ah oo Ilaahay SW ku garansiiyay  Marwada Madaxweynaha, annaguna garbaheedii aanu nahay, maalin walba goobjoog ayaan u nahay sida loogu shaqeeyo, iyadoo dhakhaatiir iyo hablo kalkaalisooyin ah ayaa lagu soo kordhiyey labada Waadh ee cusbitaalka Hargeysa.”

Marwo Rooda ayaa sheegtay inay xanuunkan baddi dumarku haleelo marka ninkeedii ay baahida ugu soo samirtay iyada iyo caruurteedu uu Ilaahay wax u kordhiyo, gabadh kale ka doonto, taasoo niyad jabinaysa, oo gabadhu fikirayso, halka ragguna dhinaca balwada ay baddi sabab ugu noqdaaan, waxaanay tidhi,

“Dawladdu wax badan ayey u qabatay aanay bulshadu xog-ogaal u ahayn, laakiin in xukuumada iyo bulsho lagu baraarugsanaado waa waajib inna wada saaran, inaynu dadkeena jilicsan aynu hoos u eegno, kuwa xanuunka dhimirka uu haleelanna way ka sii xag jiraan taageeridoodu, waa masuuliyadii dawladda, laakiin way ka soo baxeen ayaan leeyahay, ragga waxaan leeyahay dumarkiina u naxariista, oo marka Ilaahay SW aduun idin siiyo, ooridaada iyo ubadkiina haka dalroorsannina, Ilaahay SW waxaan ka baryayaa inuu jaadka inanga joojiyo, ragguna xaqa dumarkooda iyo ubadkoodu ku leeyahiin garansiiyo.

 

 

 

Leave a Reply