32ka Xul ee ka Qayb-gelaya Koobka Adduunka, Group-ka Dhimashada, Qiimaynta iyo Heerka Xulka England

0
381

Xulalka ka qayb-gelaya Koobka Adduunka ee 2022 ee bisha November ka bilaabmaya waddanka Qatar ayaa soo dhamaaday, waxaana ugu dambeeyey Wales iyo Australia oo toddobaadkan usoo gudbay kaddib guulo ay kasoo hooyeen isreeb-reeb ay soo galeen.

Koobka Adduunka ee sannadkan ayaa ka duwanaan doona kuwii hore, sababtoo ah waxa la ciyaarayaa waqti ka duwan oo aan hore loo ciyaarin, sababtuna waa in Qatar ay tahay dal cimiladiisu kulushahay oo aanay suurtogal ahayn in lagu ciyaaro xilliga xagaaga.

Caadiyan, koobka adduunka ayay ahayd in la ciyaaro bilaha June iyo July, balse FIFA ayaa go’aamisay in dib loogu dhigo November iyo December, taas oo ka dhigan in horyaallada oo socda la fasixi doono sannadkan oo loo dareeri doono Koobka Adduunka.

Xulka qaranka England oo xalay guul-darradii ugu xumayd muddo 94 sannadood ah kala kulmay Hungry oo 4-0 ku karbaashtay, ayaa waxay Koobka Adduunka isku group yihiin Maraykanka, Wales iyo Iran, waxaanay warbaahinta Ingiriisku ku tilmaameen in ay yihiin group-ka ugu adag, inkasta oo aan la isku wada raacsanayn dooddaas.

England ayaa waxay qiimaynta FIFA kaga jirtaa kaalinta shanaad, halka Maraykanka, Wales iyo Iran ay ku kala jiraan 15aad, 18aad iyo 21aad.

Group-ka labaad ee kusoo xiga dhinaca adayga, ayaa ah Group E oo ay ku wada jiraan Germany, Spain, Japan, Costa Rica, kuwaas oo qiimayanta FIFA kaga jira 7aad, 12aad, 23aad iyo 31aad.

Halka la tuhunsan yahay inay ugu fududdahay ama group-ka ugu jilicdasan ayaa ah A oo ay ku wada jiraan Qatar, Netherlands, Senegal, Ecuador, sababtoo ah qiimaynta xulalkan ee FIFA ayaa tilmaamaysa in ay meel hoose ku jiraan. Netherlands ayaa waxay qiimaynta FIFA kaga jirtaa 10aad, Senegal oo 20aad ah, Ecuador oo 46aad ah iyo Qatar oo kaalinta 51aad ku jirta, marka la isku-celceliyo qiimayntooduna waxay noqonaysaa 31.75.

Group H, ayaa isagana celceliska qiimayntiisu ay tahay 27.5, waxaana ku wada jira Portugal, Uruguay, Korea Republic, Ghana, kuwaas oo qiimayntooda FIFA ay tahay 8aad, 13aad, 29aad iyo 60aad sida ay magacyadoodu u kala horreeyaan.

Sidan ayuu isku-aadka Koobka Adduunku ku dhamaystiran yahay:

Group A: Qatar, Netherlands, Senegal, Ecuador

Group B: England, USA, Wales, Iran

Group C: Argentina, Poland, Mexico, Saudi Arabia

Group D: France, Denmark, Tunisia, Australia

Group E: Germany, Spain, Japan, Costa Rica

Group F: Belgium, Croatia, Canada, Morocco

Group G: Brazil, Switzerland, Serbia, Cameroon

Group H: Portugal, Uruguay, Ghana, Korea Republic

Leave a Reply