Xiddiga ugu Qaalisan Afrika oo Jabiyey Derbiga Aamusnaanta & Arsenal oo Faraxsan

0
292

Xiddiga ugu qaalisan taariikhda qaaradda Afrika ee Victor Osimhen ayaa qirtay in aanu hubin mustaqbalkiisa, waxaanu sheegay in ay wax walba  dhici karayaan kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Arsenal ay ka gudbisay dalab gaadhaya £51 milyan oo Gini.

Xiddiga reere Nigeria ayaa sannadkii 2020 waxa uu noqday ciyaartoygii ugu qaalisanaa ee Afrikaanka ah markaas oo ay kooxda Talyaaniga ee Napoli kala soo wareegtay Lille.

23 jirkan ayaa xilli-ciyaareedkii tegay waxa uu Napoli u saftay 32 kulan oo dhamaan tartamada ah, waxaanu u dhaliyey 18 gool, isaga oo sameeyey bandhig heer sare ah oo aan ahayn dhalinta goolasha. Xulka qarankiisa Nigeria ayuu u dhaliyey afar gool ciyaartii ay karbaasheen Sao Tome and Principe ee isreeb-reebka koobka qaramada Afrika ee toddobaadkii hore.

Arsenal ayaa la sheegay in ay laacibkan ku doonayso £51 milyan oo Gini, hase yeeshee waxa dalabkaas ka biyo diidday Napoli oo dalbanaysa in Gunners ay bixiso £85 milyan oo Gini.

Victor Osimhen oo warbaahinta la hadlay ayaa wax laga weydiiyey mustaqbalkiisa, waxaanu ku jawaabay: “Anigu mar walba garoonka ayaan galaa si aan sida ugu fiican ee karaankayga ah ugu ciyaaro xulka qarankayga iyo kooxdaydaba.

“Laakiin ma garanayo waxa uu ku dambaynayo mustaqbalkaygu. Waxa aan ogahay in ay wax walba dhici karayaan, hadda se waxa aan fasax kula maqanahay qoyskayga, si aan maskaxdayda usoo nasiyo oo aan usoo dabaysto baytariyada. “

Arsenal oo uu si xor ah uga tegay Alexandre Lacazette ayaa raadinaysa weeraryahan cusub oo hoggaamiya xilli-ciyaareedka soo aaddan, waxaana ka sokow Victor Osimhen lala xidhiidhinayaa Gabriel Jesus oo Manchester City ah.

Leave a Reply