Beentu Waa Astaamaha Nacaybka Sababa!

0
436

Drs. Perpetua Neo oo ah dhakhtarad dhanka cilmi-nafsiga ah ayaa sheegtay in Dhammaanteen aynu leenahay caadooyin khariban iyo fikrado khaldan. Kuwaasi oo waxyeelo u geysanaya dhegaha dadka kale, waxaana ay inaga dhigtaa kuwo faafinaya nacayb iyo kala fogaansho bulshada dhexdeeda.  Waxaa kale oo ay tidhi “ waa in aynu nafteena baraa sidii aynaan weedhaha dadka ugu dhibin”.

Waxaana ka mid ahaa caadoyinka xun ee ay tahay in la iska ilaaliyo:

In dadka kale ceebahooda aad aragto taasi oo keenaysaa inay kaa niyad-jabaan sidaa darteed joogitaankaaga way dhibsanayaan, maadaama ay daqiiqad kasta kaa filan karaan inaad ceebtooda banaanka keento.

Inaad markasta wado weedhaha waa la yidhi iyo beeno aan jirin waxay kaa dhigaysaa qof  la karaahiyaysto.

Inaad qofka kasta dacaayadayso oo aad xaqirto, waxay kaa dhigata qof  badi dadku neceb yihiin.

Maxaa yeelay dacaayadda ayaa inteeda badani ay tahay been uyo buunbuunin aan jirin. Ogow in hadalka yari uu yahay xikmad ay dadku kugu jeclaan karaan.

Leave a Reply