Ciidanka Booliiska Somaliland oo warbixin kasoo saaray sidii ciidanku u maamulay bannaanbixi 9 Juun

0
304

Hargeysa (Dawan) Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa beeniyay in ciidanku xabad nool u isticmaalay bannaanbixii 9 Juun xisbiyada mucaaradku ku qabteen Hargeysa, taa badal keedana ciidanka lagu riday rasaas.

Warbixin ciidanka booliiska kasoo baxday ayaa lagu sheegay in ilaalada madaxda xisbiga WADDANI, ay ciidanka rasaaseeyeen. “Ciidaanka Boolisku ma adeegsan Rasaas nool, halka ciidanka lala dhacay rasaas nool una adeegsadeen ilaalada gudoomiyaha xisbiga WADDANI iyo musharaxiisu”.

Warbixinta waxa lagu sheegay in mudaharaadayaashu ciidanka kala hor yimaadeen gacan ka hadal, balse uu ciidanku ku maamulay si degen, isla markaana uu adeegsaday rasaasta rabadhka (caag) ah.

Waxaana lagu yidhi.”Waxaa kale oo ciidanka lagala hor yimid gacan ka hadal badan sida shiid, bakoorad, iyo aflagadooyin badan. Hadaba waxaaso dhan Waxuu ciidanku ku maareeyey si nabadgalyo leh, Isagoo adeegsanayaa rasaasta rabadhka ah iyo waxyaalaha kale”.

Ciidanku waxa uu sheegay in baadhis lagu samayn doono dhaawaca   is la markaana dhakhaatiir aqoon u leh loo adeegsan doono baadhista.

Waxaana lagu yidhi.”Ciidanka booliska oo kaashanaya dhakhaatiir aqoon u leh arimahan waxay baadhiis deg-dag ah ku samaynayaan natiijada dhaawaca ay sheegeen mucaaridku si xaqiiqada loo ogaado sharcigana loo waafajiyo”.

Ciidanku waxay nasiib daro ku tilmaamen dadka dhaawaca ah ee baraha bulshada lasoo galiyay sida xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, iyaga oo sheegay in ay tahay ceebayn lagula kacay ciidanka booliiska.

 

Leave a Reply