“Dadka reer Somaliland Uma baahna wax kala qaybiya,”.Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Waaberi.

0
369

Burco (Dawan):-Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Waaberi Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) ayaa sheegay in dadka reer Somaliland aanay u baahnan wax kala qaybiya.

Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed ayaa waxa  uu sheegay in sharciga dhigayo  in tobankii sannaba mar la furo Ururada Siyaasada lix bilood ka hor,

Cabdirisaaq Ataash ayaa sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay kulan uu la qaatay qaar ka mida shacabka Magaalada Burco.Waxaana uu yidhi”Waxa aan arkayay Siyaasiyiin caayaya Ururada Siyaasada  iyo dadka isbadalka doonka ah,waana in la ogaado Dastuurka aynu dhiganay wuxuu hoosta ka xariiqayaa in tobankii sannaba mar la furo Ururada Siyaasada lix bilood ka hor,waxaana laga rabaa Xukuumadda in Doorashada Madaxtooyadda xiligeedii ku qabtaan.waxaana  aan ugu baaqayaa dadka reer Somaliland Bari iyo Galbeed Midnimo Umana baahna wax kala qaybiya,”.

Cabdirisaaq Ibraahim  ayaa waxa uu sheegay u jeedada ay u sameeyeen Ururka Waaberi.Waxaana uu yidhi”Ururkan magaciisa waxa la yidhaahdaa Ururka Midnimada nabada iyo Barwaaqada Somaliland,waxaana u jeedada aanu  u samaynay tahay muddo laga joogo Saddex iyo toban sanno ka hor  ayaan qurbaha kaga soo noqday dalka.waxaana aan u imid waxa ay ahayd Somaliland in aanu wax tarno haday Siyaasad tahay,sidaa darteed waxa Somaliland ka dhiman in Midnimo dalkani ku talaabsado bulshadeenu makala dhantaalmi karo,”.

Sidoo kale Cabdirisaaq Ibraahim ayaa waxa uu tilmaamay in Ururka Waaberi u taaganyahay in Somaliland noqoto dal la Ictiraafsanyahay oo haybad ku leh Caalamka.Waxaana uu yidhi”Waxa aynu doonaynaa in aynu noqono dal la Ictiraaf sanyahay oo Caalamka haybad iyo sharaf ku leh,waxaana sidaa ku heli karnaa  Midnimada dhexdeena.waxaana Ururka Waaberi u taaganyahay in Dhalinyarada dalka u dhalatay talada dalka gacantooda u galino oo dadka Somaliland arkaan in isbadal dhaco. waxa aanu isku taagnay in salka u dhigno Siyaasad hufan oo aqoon ku dhisan kana reeban qabyaalad,waxa aanu rabnaa in aanu soo  saarno Hogaamiyaal  qaran hogaamin kara iyo xisbi layska dhaxli  karo,”.

 

 

Leave a Reply