Madaweynaha oo Dhaliilay Gefafka Soomaaliya kula kacdo Shacabka Somaliland

0
391

 

Ceerigaabo-(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday inuu ku go’aan qaadan doonaan jawaabta xukuumada Soomaaliya ka bixiso ficilkii cadaawadda ee safiirkooda Kenya u quudhay shacabka Somaliland,

Madaxweynaha oo shalay la hadlayey bulshada magaalada Ceerigaabo ayaa soo hadal qaaday tallaabo dorraad ka dhacday dalka Kenya, isla markaana ku tilmaamay cadaawad iyo dhacdo ugub ku ah dhaqanka iyo taariikhda Soomaalida.

Mudane. Muuse ayaa dhaliilay tallaabada Safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya Kenya waxaanu yidhi,

“Xaflad Madaxweynaha Kenya ku casuumay dublmaasiyiinta caalamka oo Safiirka Somaliland iyo calankeedii madasha ka muuqdeen,ayuu Safiirkii Soomaaliya shirkaa  ka cadhooday oo ka baxay, isagoo leh annaga (Soomaaliya) iyo Somaliland meel ma wada fadhiisan karno.”

Madaxweynaha ayaa sheegay inay tahay arrin ugub ah. “intii Soomaali  in waxgarad Soomaaliyeed oo goob fadhiya oo nin Soomaaliyeed ugu yimi inuu qadariyo oo dadka iska xigsadaan mooye, ma dhicin in nin soomaaliyeed yidhaahdo meel la fadhiisan maayo, waa xaajo ugub ah,

Arrintaasi micnaha ay leedahay imika kama hadlayo, waxaanse leeyahay, Soomaaliya inbadan waxay sheegtaa Walaalayaal yeynaan kala tegin? Somaliland way aqbashay, dhowr shir ayeynu wada galnay, waxba kama soo kordhin.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in ninkaa Safiirka Soomaaliya soo kordhiyey aniga iyo Somaliland meel isugu iman mayno, waxaanu yidhi,

“Waxaan ka warsugeynaa dawladda Xamar iyo Soomaaliya waxay kaga jawaabaan? Markaa ayeynu eegi doonaa inuu hadalkaasi qof (Safiir Tarsan) gaar ku ahaa iyo inuu dareenku halkaa ka taagan yahay Soomaali? Laakiin waa arrin gef ah oo Somaliland marnaba aqbali Karin.

Wefdigii Madaxweynaha ee socdaalka ku joogay gobolka Sanaag, ayaa shalay galab ku soo  noqday laguna soo dhaweeyay caasimada Hargeysa

 

 

 

 

Leave a Reply