Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland iyo Madaxweynaha DDS oo ka qayb Galay Munaasibad Jaamacada Cammuud Qabatay

0
473

Boorama (Dawan) – Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay goob joog ka ahaa  munaasibad ay soo agaasintay Jaamacada Cammuud oo uu Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mudane, Mustafe Muxumed Cumar khudbad ugu jeediyey Ardayda kala duwan ee Jaamacada Cammuud.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo munaasibadaasi soo xidhay ayaa yidhi “Waa maalin qiimo weyn inoogu fadhida qaran ahaan Somaliland gaar ahaan Degmada Boorama iyo Jaamacada Cammuud in manta(Shalay) halkan aynu kusoo dhaweynay Madaxweynaha Deegaanka Soomaallida Mudane, Mustafe Muxumed Cumar, runtii martiqaadkaa ay fididay Jaamacada Cammuud oo ah Hooyadii Jaamacadaha Somaliland aad iyo aadbay dhammaanteen farxadweyn inoogu tahay, waanan kusoo dhaweynaynaa Madaxweynaha iyo waftigiisa halkan”.

Ku-xigeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa guud ahaanba Shacabka reer Somaliland gaar ahaan Shacabka reer Awdal uga mahad celiyey sida Milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen Madaxweynaha marida ahaa wuxuuna yidhi“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in maanta madasha aynu halkan kusoo xidhnay uu Madaxweynihii dawladd deegaanku inooga jeediyo Khudbad aad iyo aad u qiimo badan dhammaantiina aad iyo aad baan idiin hambalyeynayaa shacabka reer Awdal gaar ahaan Jaamacada Camuud sida sharafta iyo karaabada badan ee aad usoo dhaweyseen Madaxweynaha Marida inoo ah“.

Ugu danbayntiina Madaxweyne ku xigeenka ayaa Weftiga Madaxweynaha Dawladd Deegaanka Soomaalida ayaa ku macasalaameeyey Xuduuda labada waddan ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo halkaasi uga sii gudbay Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dawladd Deegaanka Soomaalida.

 

 

Leave a Reply